Thursday, 26 January 2023

Maxaa keenay in bulshada africanka ah la addonsado qarniyadii hore?


 Marka raad raac lagu sameeyo tariikhda waqooyiga iyo koonfurta america, mid kamid ah qaybaha ugu xanunka badan, taariikhdaasi waa xilligii dadyowga africanka ah lagu guumaysan jiray dhulkaasi.


Boqolaal sano kahor dadyow fara badan ayaa si qasab ah looga musaafuriyay dhulalkoodi kuwaas oo ku yaalay afrika, si ay uga shaqeeyaan dhul beereedyo ku yaalay wadamo fara badan ,kuwaasi oo ka tirsanaa waqooyiga iyo koonfurta ameerica.


Markii ugu horaysay reer yurub ay yimaadaan Qaarada ameerica, qaar kamid ah ganacsatadii yurubyaanka waxay xaqiiqsadeen in ay lacag ay ka samayn karaan,beeraha dalagyada  si ay uga ganacsadaan yurub gudaheeda.


Sidaa darteed si ay usameeyaan ganacsi guulayasta waxay ogaadeen in loo baahan yahay shaqaale ka hawl gala beeraha ay beertaan waliba ku shaqeeya mushaar aan aad ubadnayn, inkastoo ay jireen dadyow yar oo yurubyaan ah oo yimid qaarada ameerica asagoo ku shaqaynaya mushaar aad uyar, taas badalkeeda mulkiilayaashi beeraha waxay raadiyeen adoomo ushaqeeya.


Waxaa xusid mudan in ay jireen dadyow aan saas ubadnayn oo indian (hindiyaan ) ahaa, mulkiilayaashi beeraha waxay ogaadeen in lagama marmaan ay tahay helidda dadka mad madow ee african ka ah.


Habka ay ganacsataasi uheli jireen waxay dhaheen ayagoo ka iibsan jiray boqoradii ka talin jiray galbeedka africa.


Tanina waxay horseeday in ay dagaal baahsan uu ka dhex dilaaco boqorradaasi, sababtoo ah qof walba wuxuu isku dayi jiray in uu gacanta ku dhigo dadyowga ku nool boqortooyada la dariska ah, si uu uga iibsado ganacsatadii ka imaan jiray qaaradda ameerica, ee raadin jiray addoomada.


Ka sakow boqoradaasi u hanqal taagi jiray iibsiga dadyowga african ka ah, waxaa jiray boqorroyar oo faro ku tiris ah oo isku dayi jiray in ay ka hortagaan ka ganacsigan dadyowga african ka ah.


Muddadii udhaxaysay sanadii 1500-1800 in ku dhow 12milyan oo dad yow africa ah ayaa laga soo kaxeeyay Galbeedka africa, ayagoo si qasab ah lagu keenay qaaradda america.

Waxaa jiray dad geeriyooday inta aan laga kaxayn africa, maadaama ay la kulmayeen tacaddiyo foolxun sida jirdil iyo kufsi iwm, halka qaarna ay ku dhex geeriyoodeen maraakiibtii loogu talo galayin lagu geeyo qaaradda ameerica.

Sababtuna waxay ahayd xaalado caafimad darro awgeed oo ka jirtay maraakiibtii oo ay saarnaayeen, iyo ciriiri badan maadama ay dadka tiradoodu ay ahayd mid aad ubadan.


Waxaa midaas sii dheer ka qayb qaadan jirtay dhimashada addoomada cunto iyo biyo la'aan awgeed.

Markii dadyowgii african ka ahaa la keenay qaarada america waxaa lagu amray in ay si qasab ah kaga shaqeeyaan beeraha.


Beerahaasi waxaa lagu beeri jiray suufka iyo sonkorta, natiijo ka dhalatay awgeed shaqada oo aad u adkayd shaqaale badan ayaa geeriyooday iyagoo ku guda jira hawlahooda.


Balse mulkiilayaashu waxay ku badali jireen shaqaale kake oo laga keeni jiray qaaradda africa,  ilaha qaar addoomadii africanka ahaa waxay awood u yeesheen  in ay banaan baxyo kaga soo hor jeestaan dadkii ay u shaqayn jireen.

Addoomada qaar ayaa ka cararay shaqooyinkooda ayagoo ubaxsaday buulalka saxarada, si ay u ilaawaan cadaadiska kaga iman jiray dadka ay ushaqayn jireen.

Dhawr sano kadib dad badan oo yurub iyo america ku nool ayaa ogaaday in addoonsiguuu yahay shay qalad ah.

Sannadkuna markuu ahaa 1830kii, qaybo badan oo ka tirsan maraykanka iyo england( ingiriiska) ayaa laga mamnuucayjiritaanka addoonsiga.


Waxaase xusid mudan in koonfurta maraykanka ay joojiyeen hiigsashada addoonsiga sanadku markuu ahaa 1860kii.

Wadamada qaar sida Brazil iyo cuba(kuuba) addonsiga waxaa la xannibay 1880kii.


Maanta malaayiin ruux oo ku nool waqoiyiga iyo koonfurta ameerica ayaa ah kuwo kasoo farcamay addoomadiilaga keenay africa.

Saamaynta is addoonsigu waxay jirtay jiilal aad ufara badan, waxaana mararka qaar dhaca falal jinsi nacayb ku salaysan oo looga soo horjeedo dadyowga africanka ah, ayadoo la ogsoon yahay in waa hore lasoo af jaray.


Sawir muujinaya qaabkii loola dhaqmi jiray addoonti africa.




Maxaa keenay in la addoonsado african kii ku noola barigaas qaaradda africa ah.


1: bulshadii african ka ahayd oo aaminsana in aan la iska dhicin karin dadka cadaanka ah oo ay yihiin dad lama taabtaan ah kana awood badan dadka madowga ah.

2: aqoon xumo haysay dadka africanka ahaa oo intooda badan ma aysan ahayn dad wax bartay , waxayna ahaayeen beeralay beerahooda ka macaashta.


3: reer yurub amase dadka cadaanka ah ee kasoo jeeda galbeeda uma aysan qabin dadkan madowga ah in ay yihiin dad, waxaase keenay fikradaas iska dhicin la'aan la iska dhicin waayay.

4: Boqorradii markaas maamulayay dhulalka africa oo intoodii badnayd dadkoodii lacag kaga doorbiday, iyagoo dadkii african ka ahaa ay ka iibsanayeen dadka cadaanka ah.

5: cadaankii oo shaqadii wax uqabtay uu waayay  kadibna dadkii ka iibsaday africa amase ka kaxaystay.





Labels:

Maxaa Keenay burburkii Somalia?












Somalia waa dawlad ku taala qaradda africa gaar ahaan bariga africa waxayna daris la tahay amase xuduud la leedahay wadamada kala ah, Ethiopia, kenya, iyo jabuuti.

Somalia waxay ahayd hal dawlad inta aysan soo galin guumaystihii kala ahaa Talyaaniga,engriiska,iyo farasiiska.

Kuwaaso somalia ukala qaybiyay 5 qaybood oo kala ah Dhulka kenya hada haysato oo la yirahdo NFD iyo dhulka ethiopia hada ay ku haysato somalia oo ah dawlad deegaanka somalida  iyo somali land oo ayaduna ay kamid tahay tahay waqooyiga somalia. Iyo kuwa kale.

Somalia qaybteeda koonfureed waxa gumaysanayay talyaanigii kaso dagay dekedda baraawe sanadku markuu aha 1884tii, dhanka woqooyina  waxa guumaysanayay ingiriiska oo markas kasoo dagay dakadda saylac isagoo kaso galay xeebaha yeman.

Galbeedka somalia waxa gumaysanayay Faransiiska oo uu haystay wadanka Jabuuti ee ah wadan yar oo ay u arkayeen faransiiskii guumaystayaasha ahaa meel Sterategic(istaraatiijik ) u ahayd  oo ayna maamushaan marinka ugu mashqulka badan ee Baabul mandab kuna yaala qadanka jabuuti.

Bulshada soomaaliyeed waa ay kasoo hojeesteen in masiirkooda ayaga lagu maamulo , sidii la doonana loola dhaqmo , waxay sameeyeen dagaalo nooc walba ahaa oo ay la galeen Guumaystihii talyaaniga iyo kii ingiriiska.


Koonfurta oo ay joogeen guumaystihii talyaaniga waxa lala galay dagaalo ba'an iyadoo shacabku u isticmaalayeen hub amase dhagax taasi oo loogaga taqallusayay guumaystihii talyaaniga


Woqooyiga oo uu haystay guumaystihii ingiriiska waxaa  aad ula dagaalamay Ciidamadii daraawiish oo uu hogaanka u ahaa Sayid Mohamed abdulle hassan, kaasi oo ah halyeeyada ugu waa weyn ee soomaray somalia waxa uuna kasoo jeeday waqooyiga somalia. Waxa uu uqaadan waaayay ummadda sida fudud ee diinta islaamka looga saarayo markaas ayuu bilaabay jihaad ka dhan ah guumaystahaa ingiriiska .

Somalia waxaa ka danbeeyay inay xorriyad hesho 1960 kii nimankii dhallin yarada ahaa ee Somali youth league, tiradooduna ahayd 13nin.

Waxa somalia ka dhacay dhagaal layiraahdo dhagax tuur oo ah dagaaladii ugu wa weynaa ee ay shacabku ku qaaden guumaysigii ka jiray koonfurta oo ahaa talyaaniga.


Dhagax tuur macno ahaan waa labo erey oo la isku ku keenay  "Dhagax tuur" waana dagaal ka dhacay caasimadda somalia ee muqdisho bishii october ee 1949kii.

Somalia waxay Xoriyadda qaadatay 1960kii, waxana madax weynihii ugu horreyay loo doortay "Aaden abdulle osman Daar" .

Aden abdulle osman waxa uu ku dhashay gobolka hiiran magaalo madaxda beled weyne sanadku marku ahaa 9-December-1908 waxaana loo doortay madax weyne 1-july-1960kii. Ilaa 6-july-1967dii waxaana Raiisu wasaare u ahaa abdullahi Eisse.

 


    Raiisul wasaarihi ugu horreyay ee somalia"Abdullhi eisse.
 










Madax weynihii ugu horreyay ee soomalia "Aden adulle osman.








Somalia 1969kii waxa xukunka inqilaab ku qabsaday General Mohamed siyaad barre oo ahaa Generaladii markaas ka hawl galayay militaryga wadanka somalia, mohamed yiaad barre waxa uu wadanka maamulayay muddo ku dhan 21sano laga soo bilaabo 1969kii ilaa 1991kii.

Waxaa kaliya oo aan la iska indha tiri karin ayaa waxa uu yahay in madax weyne mohamed siyaad barre uu somalia hormarru dunidu la yaabtay gaarsiiyay , gaar ahaan dhanka dhaqaale iyo dhankq dhismaha wadanka ,markaasna waxaa kaliya qadanka laga maamuli jiray waxay ahayd Casimadda muqdisho somalia.

Somalia oo uu hogaaminayay muddadii 21sano ahayd waxay gaartay hormaro dhanka militiry-ga iyo dhanka wax barashada, inkastoo xukunku uu ahaa hanti wadaag oo larabay in laga guuro Diinta islaamka oo wax walba oo cummunism ka xeerar ama qodobo u ah la rabay in la qaato.

Intii ay dhisnayd 21kii sano waxa horumar la taaban karo laga gaaray Dhanka wax barashada, taasi oo ahayd meesha ugu muhiimsan ee dadka laga dhiso lana baro Wadaniyadda iyo wax walba oo wadan jacaylka ku saabsan.

Somalia waxay bur burbtay 21 sano kadib xukunkii mohamed siyaad barre  oo ay ku beeganayd 1991kii.

Sababaha somalia u bur burtay waxaa kamid ahaa oo ugu waweynaa  jeneraladii cidamada oo si xun loola dhaqmay oo xukunka kaligii taliska ahaa wax walba oo macquul ah ku sameeyay  sida qaar in lalaayo ama la dilo sida in inqilaab looga shakiyay, iyadoo larabay in aysan hawaysan kursiga markaas uu fadhiyay kaligi talisku.


Waxa inta ugu badan dhibta loo gaystay isla markaasna go'aan ku gaaray in wadanka laga saaro kaligii talisnimada taasi oo ahayd in ummada sida ay rabto u hadli karaynin  madaxana looga taagan yahay wixii la doonana laga samaysanayay.

Waxa ugu danbayntii  ay aasaaseen saraakiishii  uu hogaaminayay madax weyne siyaad barre in ay go'aan ku gaareen sidii xilka looga tuuri lahaa, fikrada kaliya ee loo arkay waxay ahayd  in jabhado hubaysan la aas aaso lagana aas aaso dalka ethiopia , dalkaas oo ahaa dal 1977kii wadanka somalia ay dagaal la galeen kaasi oo ahaa dagaal looga xorraynayay dawlad deegaanka somalida.

Somalia markii laga saaray xukunkii kaligii taliska ahaa waxa uu wadanku galay qalalaaso dhan walba ah oo ay ugu weynayd inay gasho dagaalo sokeeye oo qabiilba qabiilka kale beegsanayay, taasi oo dhashay inuu wadanku xasili waayo, iyo tuugnimadii oo ka noqotay wadanka wax caan ku ah sida in isbaaro ladhigto wax walba oo soo marana lacag laga qaado iyadoo la leeyahay wadadan lacag baad ku mari kartaa.


Ugu danbayn hada waxa laga jooga  32 sano burburkii wadanka somalia wadankuna waxa uu qaatay xukun democratic ah kaasoo leh Maamul goboleedyo iyo madax wynayaal hoos yimaada kan wadanka ka talinaya.

Maamul goboleedyada wadanka ka talinayay waxaa kamid ahaa  Puntland,jubbaland,hirshabeele,koonfur galbeed iyo somali land oo hadda sheegata gooni ugoosad inay tahay 



Quruxda dalka somalia gaar ahaan magaalada madaxda muqdisho.


Madax weyne mohamed siyaad barre.


Somalia jabhadihii la dagalaamayay madax weyne mohamed siyaad barre waxaa kamid ahaa SSDF. SNM IYO SFC oo ay kala hogaaminayen Abdullahi yusuf yeey ,mohamed  jama' caydiid iyo siilaanyo.

mohamedkhaliifabdullahi07@gmail.com










Labels:

Wednesday, 25 January 2023

Tahriibka dhalinyarada soomalida ah

 
Tan iyo markii ay burburtay dawladii dhexe ee ka talinaysay wadanka somalia waxaa soo kordhayay in ay dad aad u fara badan ay iskaga cararaan wadanka ugana cararaan sababo amni darro oo soo wajahday uguna noolan kari waayen dalkooda.

Soomaalida ayaa markaas waxay maraan wadamada dariska la ah iyagoo markaas kusoo jeeda wadanka liibaya waxayna soo maraan dalalka kala ah Eretaria,jabuuti, iyo itoobiya suudaan, iyo wadamo kale oo badan.

Tahriibku waa dhibaato soo jireen ah oo heerar kala duwan soo maray, qaabab kala duwanna lahaan jiray.

Tahriibka ama tahriibinta dadku waxay ka mid yihiin falal danbiyeedyada aan qawaaniinta caalamku la dagaallanto lana mid ah falal danbiyeedyada tahriibinta maandooriyasha iyo hubka.


              Sababaha keena tahriibka:-

● sababaha ugu badan ee keena  tahriibka waa dhaqaale iyo nolol raadin.


● waxa kale oo keena waa raadinta meel ka fiican meesha aad ka tahriibayso una raadinayso nabada iwm.


● shaqo la'aanta ka jirta wadanka iyo dhalin yartii oo ah kuwa garan waayay ujeedka wadanka ay ujoogan.


●Sharci raadin:- dadka qaarkood waxay u tahriiban inay wadama rer galbeedka passaport(aqoonsi ) ka qaataan.


●dhaqaale kororsi:- waxaa laga yaaba in la arko qoysas dhaqaale ahaan fiican, dhibaato kale oo muuqatana aanay jirin hadana ubadkoodii udiraya yurub iyagoo  waddooyin qatar ah ugu bareeraya inay galaan yurub ama america.


●caafimaad raadin:-waxaa iyana dhacda in qof la tahriibiyo amaba uu utahriibo si uu awood ugu yeesho inu helo daryeel caafimaadoo tayo leh.


           Sidee lagu joojin karaa tahriibka.

Dawladda oo amniga sugta:- wadanka baahida ugu weyn waxa laga sugayo inay qabtaan waa dawladda , dawaladda waxa looga baahan yahay dadka ay masuulka ka yihiin amase taladooda haya  inay ku dadaalaan sidii ay amni ugu noolan lahayeen.


dawladda in ay shaqo abuur usamayso dhalin yarada :- dhalinyarada inta ugu badan waxay wadanka uga tagaan shaqo la'aan darteed 48.5% ayay gaarta shaqo la'aanta ka jirta wadanka.


culimadaoo wacyi galin usamaysa dhalin yarta:- culimadu waxay doorka ugu weyn ka qaadan karaan joogitaanka dhalin yarta, loona sheego in uusan jirin wadankooda wadan dhaama


 Dhalin yarada oo lagu dhiiri galiyo wadaniyadda :- wadaniyadu waxay sababta qofka inuu jeclaado wadankiisa uusan ka door bidinna wadan kale, qofka dhalinyarada ah waxa looga baahan yahay in wadaniyadda la baro waxay keenaysaa inuu wadankiisa aamino.


Mohamedkhaliifabdullahi@gmail.com 


                             


       


 

Labels:

Tuesday, 24 January 2023

Dhibaatooyinka sigaarka

 



Sigaarku (ingiriis:ciggarate) waa buuri ku duuban warqad khafiif ah kaas oo lacabo qiiqiisa. Sigaarka waxa uu u usmaysan yahay qaab dhuuban ayaa hal dhinac laga qabadsiiya dabka isla markaanalaga nuuca dhinaca kale, taas oo qiiqu tago"sambabada" qofka cabaya.


Buuriga ama tobaakada sigaarku ka koban yahay waa kala halis badan tahay waana wax lala qabsado qofka oo uu qofka isticmaala markasta ubaahan yahay.


Sigaarku waxa uu kamid yahay muqaadaradka, sababto ah wa wax lala qabsado oo qofka isticmala uu markasta ubahan yahay .


Cabitaanku sigaarku waxa uu keena xanuuno badan, isla markaana burburisaa dhaqaalaha qofka isticmaalaya  sigaarka.


Buuriga laga sameeyo sigaarka waxa ku jira kiimikoyin badan oo ay kamid tahay nicotine, taas oo ah daroogo halis ah oo wax yeelaysa caafimadka qofka isticmalaya sigaarka.


In kabadan 60% dadka caba sigaarka waxay udhintaan xanuuno kaga dhaca wadnaha , iyo inay maqaarkoodu madoobadaan, waxuna keena sigaarku cimri dag dag, iyo xanuuno badan sida kansarkasambabada, kansarka dhuunta, kansarka faruuryaha iyo kuwo kalo badan.


                    Noocyada ugu Qatarsan sigaarka


1= Nicotine:-waa maado aad qatar u ah, waa madada keenta in qofku qabatimo /cabo  sigaarka. Waa maado si dag dag ah ushaqaysa maskaxdana ku gaari karta 15 ilbiriqsi gudahood.



   2= Carbon manoxide:- waa hawo sun ah, malahan wax ur ' ama dhadhan ah.
Hadii lagugu xiro qol ay ka buuxdo hawadaan oo aad halmar jiido waad miir beelaysaa kadibna waad dhiman


  
     3=Ammonia:-waxay ay sababtaa neef (asthma), waxayna kicisaa cadaadiska dhiiga.


    4=  Tar(taar):-waxaa ku jirta kiimiko sabato ah kansarka, markii uu halmar jiido qofka cabaya sigaarka 70% maadadan waxay ku hartaa sanbabada.

              
                         Gunaanad

 ●  Diinteenu way mamnuucday isticmaalka muqaadaraadka.


●  cudur ilaah naguma rido ayay ku ducaystaan dadku, laakiin markii aad sigaar bilowdo ayaad cudir raadsaday.


●jooji cabidda sigaarka waad joojin kartaaye.

Labels:

Monday, 23 January 2023

Maxaa keena Shaqa la'aanta ka jirta dalka?

 



Musiibooyinka addunka la isku dhiibo waxa kamid ah ah Saboolnimada ,shaqo la'aanta ,shaqo la'aantu waa cunsurka kaliya falkakiya soolnimada  iyo amni darrada, waa sababaha ugu badan ee hqbsaamiyaya jihadiina ka lumiyay dunidan sadexaad ee an dhex daganahay. Horumarka,dawladnimada, iyo waxbarashada dunida saddexaad  waxaa hoos udhigay koboc la'aanta dhaqaalaha, dhaqaaluhuna waxa uu ka yimaadaa shaqayn joogto ah.


Dhalinyaradu waxay waxbarashada ugu sidey mustaqbalkooda ku dhisan lahayeen oo ushaqaystaan,dheefta  wax barashadu jihooyin in badan ah bay leedahay laakiin dhinaca loo jiido waa kan ah aad wax ku heshid dadkaaga wax tarid ah.


Waxbarashadu laamo fara badan bay ledahay lakin laamaha  soomalidu ubadan tahay waa lamaha caafimadka,iyo Laamaha ku dhisan aragtiyada. Qofkii wuxuu soo qallin jabinaya isagoo foolasha hore bannaynaya farxad darteed, marku dhex yimaadana bulshada sida badan xaqiiqda buu dhadhamiyaa. qalinkii  lagu qadarin jirayna lagu qadarin mayee go' beeleed baa lasaarayaa oday labadiisa daana aysan isku dheeli tirnayn baa toobiya uhorseeda hogaankana uqabanaya, ardaygii aan go' haysanna gowraha baa gagi cidlaa ku garaacayaa.



Wadankasta markuu ku dadaalayo inuu hormaro wuxuu shaqo abuuris usameeya bulshada ayadoo dhalinyarada labarayo farsamooyinka gacanta si qoysaska awoodaha lacageed u kacdo soomaaliduna waxay ka aradan tahay dhanka farsamada.


Dawlada marba haday hormarro samaynayso waxaa waajib ah in dhalin yarada shaqa abuur loo sameeyo, oo dawladu ka war qabto dhalinyarta Balwadaha meelaha ku isticmalaya waxa ugu badanoo ay isticmaalana waa qaadka iyo sigaarka iwm.

Dhalinyarada shaqa la'aanta meelaha la fadhiya dadkana ku dhibaataynaya waddoyinka waxa keenaya waa dawlad la'aanta, mana jirto manta cid ay uga cabtaan shaqo la'aanta si  loogu gar gaaro oo shaqo abuur loogu sameeyo. 


                         ● Sababaha keena shaqo La'aanta


1= xirfad la'aanta.

2=  dawlad xumo.

3= kalsooni badan oo an lagu qabin wadanka.

4= Qabyaalada oo la isku xusho.

5= Aamin darada ka jirta wadanka oo qofkasta qofka kle uusan aamini karin.

                  


                                        


Labels:

Sunday, 22 January 2023

Dhibaatooyinka dhalinyarada haysta


               Dhibatoyinka dhalinyarada haysta.

Waxyaalo badan oo waxa jira haysta dhalin yarta gaar ahan kuwa soo koraya sida 17 ilaa 22sano jirada ah  qofka dhalin yarada ah sidiisaba marku weynado waxa loo bahan yahay inuu waxa xun iyo waxa san kala garanayo oo wax kasta oo uu is dhahayo dhib bay kugu hayan aad ka fogaatid waxana loo bahan yahay inu mustaqbalkiisa ka fikiro oo uusan jafikirin waxyalaha mala_yacniga ah sida Game ama waxyaalo badano dhalinyartu hada ku mashqulsan tahay, Marka waxa loo bahan yahay dhalinyaradena somaliyeed inan wax walba oo an is leenahay wax tar bay utahay inan ku biirino oo u sheegno, inta badana ninka dhalinyarada ah ama hawenayda dhalinyarada ah markasta oo qof wax usgegaya uu waayo/waydo waa markasta oo uu dhaqan xumada kusii fogaanayo waxaa loo bahan yahay in aan so saarno jiil wax kala garanaya fahmayana dalkan caqabadaha haysta gaar ahan mida amni io iyo mida dhaqaale ahaaned.

  

                     Waxyalaha looga bahan yahay                       qofka dhalinayarada ah:-

 1= qofka dhalinayada ah waxa looga bahan yahay inu si maskax ku dhehan tahay u fakaro  wixii qaldana go'aamada uu qadanayana uu  ka fikiro barrito waxa uga imaan kara sida qasaaro ama faaiido inay uga yimadan .


2=  inta badan dhalainyaradu waxa soo wajaha dhaqaale darro io asagii oo wada wax barasho io shaqo oo uusan helayn gaar ahan dhalinyarada somalia joogta,  si aad dhaqaale darada uga baxdid baro xirfad adiga ku an facaysa maskax aha io dhaqaale ahaanba si aad barri ugu baxsato xirfadaas io xirfad kasto ad jeceshahay inaad baratid wad baran karta internet oo aad haysatid kaliyaa kaa xigta.


       Gaba_gabo:- waxaa lagaga bahan yahay madama aad tahay qof dhalinyaro ah dulqaadkaga oo bata iyo inaad dhibatoyinka kuso maraya udulqadatid  qof aan dhib marinna qof adag ma noqdo 

       W.billahi tawfiiq


Labels: