Dhibaatooyinka sigaarka

 



Sigaarku (ingiriis:ciggarate) waa buuri ku duuban warqad khafiif ah kaas oo lacabo qiiqiisa. Sigaarka waxa uu u usmaysan yahay qaab dhuuban ayaa hal dhinac laga qabadsiiya dabka isla markaanalaga nuuca dhinaca kale, taas oo qiiqu tago"sambabada" qofka cabaya.


Buuriga ama tobaakada sigaarku ka koban yahay waa kala halis badan tahay waana wax lala qabsado qofka oo uu qofka isticmaala markasta ubaahan yahay.


Sigaarku waxa uu kamid yahay muqaadaradka, sababto ah wa wax lala qabsado oo qofka isticmala uu markasta ubahan yahay .


Cabitaanku sigaarku waxa uu keena xanuuno badan, isla markaana burburisaa dhaqaalaha qofka isticmaalaya  sigaarka.


Buuriga laga sameeyo sigaarka waxa ku jira kiimikoyin badan oo ay kamid tahay nicotine, taas oo ah daroogo halis ah oo wax yeelaysa caafimadka qofka isticmalaya sigaarka.


In kabadan 60% dadka caba sigaarka waxay udhintaan xanuuno kaga dhaca wadnaha , iyo inay maqaarkoodu madoobadaan, waxuna keena sigaarku cimri dag dag, iyo xanuuno badan sida kansarkasambabada, kansarka dhuunta, kansarka faruuryaha iyo kuwo kalo badan.


                    Noocyada ugu Qatarsan sigaarka


1= Nicotine:-waa maado aad qatar u ah, waa madada keenta in qofku qabatimo /cabo  sigaarka. Waa maado si dag dag ah ushaqaysa maskaxdana ku gaari karta 15 ilbiriqsi gudahood.



   2= Carbon manoxide:- waa hawo sun ah, malahan wax ur ' ama dhadhan ah.
Hadii lagugu xiro qol ay ka buuxdo hawadaan oo aad halmar jiido waad miir beelaysaa kadibna waad dhiman


  
     3=Ammonia:-waxay ay sababtaa neef (asthma), waxayna kicisaa cadaadiska dhiiga.


    4=  Tar(taar):-waxaa ku jirta kiimiko sabato ah kansarka, markii uu halmar jiido qofka cabaya sigaarka 70% maadadan waxay ku hartaa sanbabada.

              
                         Gunaanad

 ●  Diinteenu way mamnuucday isticmaalka muqaadaraadka.


●  cudur ilaah naguma rido ayay ku ducaystaan dadku, laakiin markii aad sigaar bilowdo ayaad cudir raadsaday.


●jooji cabidda sigaarka waad joojin kartaaye.

Post a Comment

Previous Post Next Post