Tahriibka dhalinyarada soomalida ah

 
Tan iyo markii ay burburtay dawladii dhexe ee ka talinaysay wadanka somalia waxaa soo kordhayay in ay dad aad u fara badan ay iskaga cararaan wadanka ugana cararaan sababo amni darro oo soo wajahday uguna noolan kari waayen dalkooda.

Soomaalida ayaa markaas waxay maraan wadamada dariska la ah iyagoo markaas kusoo jeeda wadanka liibaya waxayna soo maraan dalalka kala ah Eretaria,jabuuti, iyo itoobiya suudaan, iyo wadamo kale oo badan.

Tahriibku waa dhibaato soo jireen ah oo heerar kala duwan soo maray, qaabab kala duwanna lahaan jiray.

Tahriibka ama tahriibinta dadku waxay ka mid yihiin falal danbiyeedyada aan qawaaniinta caalamku la dagaallanto lana mid ah falal danbiyeedyada tahriibinta maandooriyasha iyo hubka.


              Sababaha keena tahriibka:-

● sababaha ugu badan ee keena  tahriibka waa dhaqaale iyo nolol raadin.


● waxa kale oo keena waa raadinta meel ka fiican meesha aad ka tahriibayso una raadinayso nabada iwm.


● shaqo la'aanta ka jirta wadanka iyo dhalin yartii oo ah kuwa garan waayay ujeedka wadanka ay ujoogan.


●Sharci raadin:- dadka qaarkood waxay u tahriiban inay wadama rer galbeedka passaport(aqoonsi ) ka qaataan.


●dhaqaale kororsi:- waxaa laga yaaba in la arko qoysas dhaqaale ahaan fiican, dhibaato kale oo muuqatana aanay jirin hadana ubadkoodii udiraya yurub iyagoo  waddooyin qatar ah ugu bareeraya inay galaan yurub ama america.


●caafimaad raadin:-waxaa iyana dhacda in qof la tahriibiyo amaba uu utahriibo si uu awood ugu yeesho inu helo daryeel caafimaadoo tayo leh.


           Sidee lagu joojin karaa tahriibka.

Dawladda oo amniga sugta:- wadanka baahida ugu weyn waxa laga sugayo inay qabtaan waa dawladda , dawaladda waxa looga baahan yahay dadka ay masuulka ka yihiin amase taladooda haya  inay ku dadaalaan sidii ay amni ugu noolan lahayeen.


dawladda in ay shaqo abuur usamayso dhalin yarada :- dhalinyarada inta ugu badan waxay wadanka uga tagaan shaqo la'aan darteed 48.5% ayay gaarta shaqo la'aanta ka jirta wadanka.


culimadaoo wacyi galin usamaysa dhalin yarta:- culimadu waxay doorka ugu weyn ka qaadan karaan joogitaanka dhalin yarta, loona sheego in uusan jirin wadankooda wadan dhaama


 Dhalin yarada oo lagu dhiiri galiyo wadaniyadda :- wadaniyadu waxay sababta qofka inuu jeclaado wadankiisa uusan ka door bidinna wadan kale, qofka dhalinyarada ah waxa looga baahan yahay in wadaniyadda la baro waxay keenaysaa inuu wadankiisa aamino.


Mohamedkhaliifabdullahi@gmail.com 


                             


       


 

Post a Comment

Previous Post Next Post