Maxaa keena Shaqa la'aanta ka jirta dalka?

 



Musiibooyinka addunka la isku dhiibo waxa kamid ah ah Saboolnimada ,shaqo la'aanta ,shaqo la'aantu waa cunsurka kaliya falkakiya soolnimada  iyo amni darrada, waa sababaha ugu badan ee hqbsaamiyaya jihadiina ka lumiyay dunidan sadexaad ee an dhex daganahay. Horumarka,dawladnimada, iyo waxbarashada dunida saddexaad  waxaa hoos udhigay koboc la'aanta dhaqaalaha, dhaqaaluhuna waxa uu ka yimaadaa shaqayn joogto ah.


Dhalinyaradu waxay waxbarashada ugu sidey mustaqbalkooda ku dhisan lahayeen oo ushaqaystaan,dheefta  wax barashadu jihooyin in badan ah bay leedahay laakiin dhinaca loo jiido waa kan ah aad wax ku heshid dadkaaga wax tarid ah.


Waxbarashadu laamo fara badan bay ledahay lakin laamaha  soomalidu ubadan tahay waa lamaha caafimadka,iyo Laamaha ku dhisan aragtiyada. Qofkii wuxuu soo qallin jabinaya isagoo foolasha hore bannaynaya farxad darteed, marku dhex yimaadana bulshada sida badan xaqiiqda buu dhadhamiyaa. qalinkii  lagu qadarin jirayna lagu qadarin mayee go' beeleed baa lasaarayaa oday labadiisa daana aysan isku dheeli tirnayn baa toobiya uhorseeda hogaankana uqabanaya, ardaygii aan go' haysanna gowraha baa gagi cidlaa ku garaacayaa.



Wadankasta markuu ku dadaalayo inuu hormaro wuxuu shaqo abuuris usameeya bulshada ayadoo dhalinyarada labarayo farsamooyinka gacanta si qoysaska awoodaha lacageed u kacdo soomaaliduna waxay ka aradan tahay dhanka farsamada.


Dawlada marba haday hormarro samaynayso waxaa waajib ah in dhalin yarada shaqa abuur loo sameeyo, oo dawladu ka war qabto dhalinyarta Balwadaha meelaha ku isticmalaya waxa ugu badanoo ay isticmaalana waa qaadka iyo sigaarka iwm.

Dhalinyarada shaqa la'aanta meelaha la fadhiya dadkana ku dhibaataynaya waddoyinka waxa keenaya waa dawlad la'aanta, mana jirto manta cid ay uga cabtaan shaqo la'aanta si  loogu gar gaaro oo shaqo abuur loogu sameeyo. 


                         ● Sababaha keena shaqo La'aanta


1= xirfad la'aanta.

2=  dawlad xumo.

3= kalsooni badan oo an lagu qabin wadanka.

4= Qabyaalada oo la isku xusho.

5= Aamin darada ka jirta wadanka oo qofkasta qofka kle uusan aamini karin.

                  


                                        


Post a Comment

Previous Post Next Post