Maxaa Keenay burburkii Somalia?












Somalia waa dawlad ku taala qaradda africa gaar ahaan bariga africa waxayna daris la tahay amase xuduud la leedahay wadamada kala ah, Ethiopia, kenya, iyo jabuuti.

Somalia waxay ahayd hal dawlad inta aysan soo galin guumaystihii kala ahaa Talyaaniga,engriiska,iyo farasiiska.

Kuwaaso somalia ukala qaybiyay 5 qaybood oo kala ah Dhulka kenya hada haysato oo la yirahdo NFD iyo dhulka ethiopia hada ay ku haysato somalia oo ah dawlad deegaanka somalida  iyo somali land oo ayaduna ay kamid tahay tahay waqooyiga somalia. Iyo kuwa kale.

Somalia qaybteeda koonfureed waxa gumaysanayay talyaanigii kaso dagay dekedda baraawe sanadku markuu aha 1884tii, dhanka woqooyina  waxa guumaysanayay ingiriiska oo markas kasoo dagay dakadda saylac isagoo kaso galay xeebaha yeman.

Galbeedka somalia waxa gumaysanayay Faransiiska oo uu haystay wadanka Jabuuti ee ah wadan yar oo ay u arkayeen faransiiskii guumaystayaasha ahaa meel Sterategic(istaraatiijik ) u ahayd  oo ayna maamushaan marinka ugu mashqulka badan ee Baabul mandab kuna yaala qadanka jabuuti.

Bulshada soomaaliyeed waa ay kasoo hojeesteen in masiirkooda ayaga lagu maamulo , sidii la doonana loola dhaqmo , waxay sameeyeen dagaalo nooc walba ahaa oo ay la galeen Guumaystihii talyaaniga iyo kii ingiriiska.


Koonfurta oo ay joogeen guumaystihii talyaaniga waxa lala galay dagaalo ba'an iyadoo shacabku u isticmaalayeen hub amase dhagax taasi oo loogaga taqallusayay guumaystihii talyaaniga


Woqooyiga oo uu haystay guumaystihii ingiriiska waxaa  aad ula dagaalamay Ciidamadii daraawiish oo uu hogaanka u ahaa Sayid Mohamed abdulle hassan, kaasi oo ah halyeeyada ugu waa weyn ee soomaray somalia waxa uuna kasoo jeeday waqooyiga somalia. Waxa uu uqaadan waaayay ummadda sida fudud ee diinta islaamka looga saarayo markaas ayuu bilaabay jihaad ka dhan ah guumaystahaa ingiriiska .

Somalia waxaa ka danbeeyay inay xorriyad hesho 1960 kii nimankii dhallin yarada ahaa ee Somali youth league, tiradooduna ahayd 13nin.

Waxa somalia ka dhacay dhagaal layiraahdo dhagax tuur oo ah dagaaladii ugu wa weynaa ee ay shacabku ku qaaden guumaysigii ka jiray koonfurta oo ahaa talyaaniga.


Dhagax tuur macno ahaan waa labo erey oo la isku ku keenay  "Dhagax tuur" waana dagaal ka dhacay caasimadda somalia ee muqdisho bishii october ee 1949kii.

Somalia waxay Xoriyadda qaadatay 1960kii, waxana madax weynihii ugu horreyay loo doortay "Aaden abdulle osman Daar" .

Aden abdulle osman waxa uu ku dhashay gobolka hiiran magaalo madaxda beled weyne sanadku marku ahaa 9-December-1908 waxaana loo doortay madax weyne 1-july-1960kii. Ilaa 6-july-1967dii waxaana Raiisu wasaare u ahaa abdullahi Eisse.

 


    Raiisul wasaarihi ugu horreyay ee somalia"Abdullhi eisse.
 










Madax weynihii ugu horreyay ee soomalia "Aden adulle osman.








Somalia 1969kii waxa xukunka inqilaab ku qabsaday General Mohamed siyaad barre oo ahaa Generaladii markaas ka hawl galayay militaryga wadanka somalia, mohamed yiaad barre waxa uu wadanka maamulayay muddo ku dhan 21sano laga soo bilaabo 1969kii ilaa 1991kii.

Waxaa kaliya oo aan la iska indha tiri karin ayaa waxa uu yahay in madax weyne mohamed siyaad barre uu somalia hormarru dunidu la yaabtay gaarsiiyay , gaar ahaan dhanka dhaqaale iyo dhankq dhismaha wadanka ,markaasna waxaa kaliya qadanka laga maamuli jiray waxay ahayd Casimadda muqdisho somalia.

Somalia oo uu hogaaminayay muddadii 21sano ahayd waxay gaartay hormaro dhanka militiry-ga iyo dhanka wax barashada, inkastoo xukunku uu ahaa hanti wadaag oo larabay in laga guuro Diinta islaamka oo wax walba oo cummunism ka xeerar ama qodobo u ah la rabay in la qaato.

Intii ay dhisnayd 21kii sano waxa horumar la taaban karo laga gaaray Dhanka wax barashada, taasi oo ahayd meesha ugu muhiimsan ee dadka laga dhiso lana baro Wadaniyadda iyo wax walba oo wadan jacaylka ku saabsan.

Somalia waxay bur burbtay 21 sano kadib xukunkii mohamed siyaad barre  oo ay ku beeganayd 1991kii.

Sababaha somalia u bur burtay waxaa kamid ahaa oo ugu waweynaa  jeneraladii cidamada oo si xun loola dhaqmay oo xukunka kaligii taliska ahaa wax walba oo macquul ah ku sameeyay  sida qaar in lalaayo ama la dilo sida in inqilaab looga shakiyay, iyadoo larabay in aysan hawaysan kursiga markaas uu fadhiyay kaligi talisku.


Waxa inta ugu badan dhibta loo gaystay isla markaasna go'aan ku gaaray in wadanka laga saaro kaligii talisnimada taasi oo ahayd in ummada sida ay rabto u hadli karaynin  madaxana looga taagan yahay wixii la doonana laga samaysanayay.

Waxa ugu danbayntii  ay aasaaseen saraakiishii  uu hogaaminayay madax weyne siyaad barre in ay go'aan ku gaareen sidii xilka looga tuuri lahaa, fikrada kaliya ee loo arkay waxay ahayd  in jabhado hubaysan la aas aaso lagana aas aaso dalka ethiopia , dalkaas oo ahaa dal 1977kii wadanka somalia ay dagaal la galeen kaasi oo ahaa dagaal looga xorraynayay dawlad deegaanka somalida.

Somalia markii laga saaray xukunkii kaligii taliska ahaa waxa uu wadanku galay qalalaaso dhan walba ah oo ay ugu weynayd inay gasho dagaalo sokeeye oo qabiilba qabiilka kale beegsanayay, taasi oo dhashay inuu wadanku xasili waayo, iyo tuugnimadii oo ka noqotay wadanka wax caan ku ah sida in isbaaro ladhigto wax walba oo soo marana lacag laga qaado iyadoo la leeyahay wadadan lacag baad ku mari kartaa.


Ugu danbayn hada waxa laga jooga  32 sano burburkii wadanka somalia wadankuna waxa uu qaatay xukun democratic ah kaasoo leh Maamul goboleedyo iyo madax wynayaal hoos yimaada kan wadanka ka talinaya.

Maamul goboleedyada wadanka ka talinayay waxaa kamid ahaa  Puntland,jubbaland,hirshabeele,koonfur galbeed iyo somali land oo hadda sheegata gooni ugoosad inay tahay 



Quruxda dalka somalia gaar ahaan magaalada madaxda muqdisho.


Madax weyne mohamed siyaad barre.


Somalia jabhadihii la dagalaamayay madax weyne mohamed siyaad barre waxaa kamid ahaa SSDF. SNM IYO SFC oo ay kala hogaaminayen Abdullahi yusuf yeey ,mohamed  jama' caydiid iyo siilaanyo.

mohamedkhaliifabdullahi07@gmail.com










1 Comments

Previous Post Next Post