Monday, 8 January 2024

SIDEE HORUMAR LOO SAMEEYAA...

               DAR-DAARAN...  

Dhalin yarada soomaliyeed siiba kuwooda udhaxeeya 16-25 waliba wadanka ku nool, waxaa haysta caqabado kala duwan oo kala ah kuwo dhaqaale iyo kuwa taag darri iyo kuwo badanoo aan lasoo koobi karin, waxaaan adhalin yaradaas u sabab ah dawlad la aanta  iyo amni la aanta iyo  xasilooni la aanta wadanka ka jirta.

waxuu qofka dhalin yaarta ah ubaahan yahay in uu wax barto, kana baxo jaahinimada uu naftiisa kor uqaado ninka dhalin yarta ah hadii uu dhakin yaro yahay kuma jiro marxaladii uu ciyaar iyo wax aan maala yacni ahayn usoo jeedowaxaa laga sugayaa inuu naftiisa iyo tan dadka iyo dalka io diintaba meel iska soo saaro, waxaaana looga baahan yahay waalidkii dhalay inuu heer ay ku farxaan gaarsiiyo kuna dhiirado waxa asaagiis ku haminayo uu isugana ax kasii fiican ku hammiyo.

Ninka dhalinyarada ah waxaa in badan laga sugayaa difaacida wadanka diinta iyo dalka inuu wax kusoo kordhiyo haday fikrad noqoto iyo hadii ay wax kala noqotaba, waxaana laga sugayaa in uu naf iyo maal wadankiisa u huro waxna uu u ubarto.

Wadamada shisheeye ee horumaray waxay hormarka aan aragnay ku gaareen waa wax barasho, waxbarashaduna wa waxa qofka bani adamka ah aad iyo aad muhiim ugu ah waana waxyaalaha ugu badan ee la isku dhaafay haday dhaqaale noqoto iyo hadii ay horumar bulsheed noqotaba, dhalin yartuna iyadaa meel walba wax ka badasha.

wadamada  horumaray waxaa inta badan sidaas u hormariyay waa dhalin yaro daryeel dawladnimo iyo mid wax barashhed helay waxaana la inooga bahan yahay in aanu horumarka aanu doonayno aanu wadankeena midka koowaad ka dhigno gaar ahaan arrimaha bulshada, waxaanu arrimaha bulsjada usoo qaadanay waxaa weeye dawlinmadu asalkeedu waa bulsho, bulshada ayaana wax abuurta oo ay dawladnimada io kala danbayntu ka timaadaa siiba gaar ahaan dhalin yarada.

Dhalin yaradu waa awooda ay ku taagan tahay bulsho iskugu timid deegaan ama magaalo ama tuulo meel walbo oo la iskugu yimaado, waxaana  iin badan loo bahan yahay dhalin yarta mqaalkan aqrisan doonta in  ay kudadaalan wadankan iyo dadkan dagaaladu saameeyeen oo ay dhex doodu nacaybka ku dhex beeran inay wax ka qabtaan oo ay heshisiin iyo qabyaaladan muddada 30-ka sano ku dhow la isku laynayo.

wadankuna wuxuu ubahan yahay in la iska qabto dadkan nacaybka iyo dagaalka ka dhex abuuraya, waxyaalaha ugu waa weyn waxa kamid ah oo danbiyada wadanku dhacana ugu waa weyn waa qof aan waxba galabsan in loo dilo Aano qabiil, waliba dadkaas loo laynayo aanadaas ay san waxba ka ogayn waxyaakaha noocas oo kale, ummada noocaas ah baa la inooga bahan yahay inanu is badal ku samayno oo aanu dhexdooda maslaxad iyo jacay ddhex dhigno.

In isla xisaabtan dhab ah lagalo oo aan hagrasho lahayn waa waxa ugu muhiimsan oo uu wadanku uabahan yahay, siyaasiguna lagula xisaabtamo wixii uu qabtay iyo wixii uu haleeyay, wadanka waxa hoos ula dagay intiisa badan waa siyaasiyiinta oo aan lagula xisaabtamin wixii ay haleeyaan ,qofka ssiyaasiga waxaa loo bahan yahay in uu wadanka hormarkiisa ka shaqeeyo shacabkuna la shaqeeyaan madaxda dalka .


             WWW.SERAAR.COM..

Labels:

Sunday, 21 May 2023

Taariikhdii kaligii talihii Germany.


Adolf hitler waxa uu ku dhashay 20/april/1889kii  dalka Austria,  xilligaasi dalalka Austria iyo jarmalku waxay isku ahaayeen hal dal balse hadda waa laba dalal .

Hilter aabihiis wuxuu ahaa aabe dabeecad qalafsan, si ad adag ula dhaqma inankiisa halka hooyadii oo la oran jiray Carla ay ahayd tan kaliyaoo uu naxariis ka heki jiray taasoo keentay inuu uqaado jacayl xad dhaaf ah. hitler yaraantiisii waxa uu ahaa mid aan ku fiicnayn waxbarasha schoolka taasoo ka dhigtay markii uu 16sano jirsadaymid isaga baxa waxbarashadauna jihaysta magaalada vienna, wuxuu ku xumaa wax barashada laakin waxa uu lahaa hibo uu isku dayay inuu ku dadaalo sidii uu meel uga gaari lahaa.

Hibadan ayaa ahayd in hitler uu jeclaa wax sawiridda iyo farshaxanka, wuxuu isku dayay inuu ku biirokuliyad lagu baran jiray farshaxanka  oo ku taalay magaalada vienna, laakiin waxuu lakulmay diidmo qayaxan oo waxaa laga soo xirtay al baabka taasoo ka dhigtay inankan yar ee ay rajada iyo yididdiladu ku jirtay mid waayo fursad uu in badan ku taamaya, hadii aynu dhinaca kale eegno noloshiisa maadiga ah hitler waxa uu ahaa sabool iyo darbi jiif aan waxba haysan  wuxuuna ku wareegi jiray goobaha ay seexdaan dadka nolosha ka dhacay iyo sidoo kle dadka saboolka ah ee aan haysan  meel ay dagaan, xilligani yahuudu waxay ahaayeen kuwa ka talinayay magaalada vienna gacantana ay ugu jirtay  dhammaan bankiyada sarrifka lacagaha iyo iibsashada farshaxanada iyo sawirada , waxay samayn jireen inay sawirada qiima yar uga iibsadaan kadibna ay dib uga sii iibiyaan qiimo toban jibaar kabadan qiimihii ay ku iibadeen  waa arrintan tan lagula dhaqmi jiray hitler oo waxay ka iibsa jireen sawiradiisa qiima aan u qalmin waxayna ku beertay inankan yar cadaawad uu uqaaday kahor inta ay cadaawadaasi cirka isku shareerin muddo yar uu kadib.

Hitler wuxuu noqday intii uu joogay vienna  mid ka gaaray nolosha meeshii ugu hoosaysay, saboolnimo iyo faqri, waxuuna seexan jiray wadooyinka taaso ka dhigtay mid go aansado inuu ku noqdo dalkii uu kasoo jeday ee jarmalka, markii uu soo noqday wuxuu usoo noqday hooyadii oo uu ku dhacay xanuunka loo yaqaano cancer-ka, bilo yar un kadibna way dhimatay hooyadii.

Dhacdadan ayaa ku beertay hitler inaysan ka faaruqin wajigiisa xataa markaa u fiirsatid sawiardiisa waxaad ka dheehan kartaa wajigiisa inay ka muuqato murugo uu ku sifeeyay sawir qaadihiisii gaarka ahaa  ee la oran jiary hennry jofman inuusan arkin waligii qof indhihiisa ay saaran atahy murugo intan la eg,  waxaana lagu tilmama geerida hooyadii goorta ay cirka isku shareertay cadaawaddii uu uqabay yuhuuda oo waxay taariikh yahadu sheegan  in dhaqtarkii daawaynayay hooyadii oo asalkiisu uhaa yuhuudi inu si khalad ah ugu duray irbad aana ahayn  tii ay isticmaali jirtay  taasoo keentay geerideeda.

HItler waxa uu kamid noqday askartii wadanjka jarmalka mid kamid ah waxauuna furiamaha lagu dagaalamo gayn jiray fariimaha ay saraakiishu soo siiso askartooda ku sugan jiida hore ilaa markii danbe uu ku dhawacmay hitler furimihii uu warqadaha gayn jiray mid kamid ah balse markii uu dagaalkii dhamaaday waxaa la gudoonsiiyay jaaiso ama abaal marin  loogu gudoonsiinayo shaqadooa uu uqabtay ciidamada wadanka.

Hitler waxa uu kamid noqday xubin muhiim ka ah ciidamada wadanka jarmalka, waxuuna wadanka la wareegay sanadku markuu haa 1933dii dad weynaha jarmarku wuxuu dareemay is badal weyn oo dhanka hormarinta ahayd iyo dhanka siyaasadeedba guulo waa weyn ayuu ka gaaray hitler  labada dhanba, hitler wuxuu ciidanka geeyay goob ciidanka ka caaganayd oo aan loogu talo galin, waxuua weeraro ama dagaal ku qaaday dalalkii kala ahaa checkoslovakia, polland, iyo kuwa kale oo badan.

Reer galbeedku waxay u arkayeen siyaasada hitler mid ku dhisan gar daraysi iyo daadaansi iyo inay waxkasta ku danbayn doonaan cidii xoog leh, waxuuna cadaawad dhab ah oo duruqsan u hayay dalalka Egland iyo france kuwaas oo uu sababta u ahaa inuu ku jabo dagaalkii koobaad ee addunka.

Hitler wuxuu kabaxay ururkii qaramada midoobay, waxa uuna bilaabay inuu wax kastaa ku dayo awood ciidan taasoo marka danbena sabab u noqotay bilowga dagaal weyne labaad gudaha yurub oo dhammi ay ku wada hoobtaan dalalka inigiiska iyo faransiiska oo xilligaasi ahaa labada quwadood ee hogaaminaysay caalamka waxaa cabsi badan ku haysay siyaasadda gar darrada ku dhisan  ee uu hitler wado, waxayna dhankooda bilaabeen siyaasado maslaxad ku dhisan  oo wax kasta oo uu hitler dalbado waa ay siin jireen  ama aqbali jireen,  si ay ugahortagaan dagaal weyne labaad oo ka dhaca gudaha yurub, balse hitler shaqsiyan ma ahayn nin raba  waxay wadaan dalalkaasi oo waxaa u  caddaa oo kaliiya dagaal uu ku aargudan karo maadaama u ahaa nin ciil qaba

Hitler wuxuu dhistay ciidan aad ubalaaran oo ay ka cabsadaan dhamaan dawlada ha yurub, wuxuu ku dhiiraday inuu dhisto ciidamada badda intaasi oo kaliya ma ahan balse waxaa u dheerayd inuu dhisto ciidamada cirka oo horay cunno qabatayn looga saaray inuu dhisto ciidamada cirka kadib dagaalkii koowaad ee addunka intaasi oo dhan marka uu hitler samaynayo indhaha ayay kawada daawanayeen dawladaha uu u middi yeelsanayo  laakiinse cid la hadashaa  oo ka fal celinaysa daan daansiga uu wado waa uu la aa waxa uu noqday sida laandhere banaan dagay oo cid u boboc dhigi kartaa aysan jirin.

hitler wuxuu si gar darro ah iyo ku talo gal ah u weeraray wadamadii uu dariska la ahaa waxaa markii danbe go aan ay ku gaareen inay iska qabtaan waxa markii danbe burburiyada wadamada lakala yiraahdo England, france,russia  iyagoona u adkaysan wayay weeradii uu ku qaaday , waxa uuna xilka hayay 1933-1945 kii balse hada lama ogsoona qaabka uu udhintay iyo meesha uu ku dhintay waxa uu reer galbeed ku noqday laf dhuun gshay, 1945tii waxaa jarmalka loo kala qaybiyay jarmalka galbeed iyo jarmalka bari jarmarmalka galbeed waxaa haystay labada wadan oo kala ah Egland, iyo france kan bari na waxaa haystay Ussr amase sida loo yaqaano hada Russia. waxaana labada jarmal udhaxeeyay darbi.

ugu danbayn waxay shacabka jarmalku udulwadan waayeen dhibaatada wadankooda loo gaystay iyo labada awoodood ee ku loo lamayay wax dantooda ahna ka dhex arki waayay waana ka dhiidhhieen oo m aysan rabin dhul ay ayagu lee yihiin dagan yihiina in lagu dhex maamulo, hada oo la joogo 2023da wadanka jarmalka , waxaa cunto qabatayn ka saaran dhisidda ciidamo cirka ah iyo kuwo badda ah iaydoo laga cararayo inay soo laabtan wixii hitler uu sameeyay oo hada laga joogo qarni kudhawaad, amase laga digtoonaanayo inuu shacabku kasoo baxo mid sidii hitler ama afkaarihii hitler uu watay.

                                 Dhamaad...



Labels:

Saturday, 11 February 2023

Sidee ayay soomaalidu u isticmaalan qabiilka iyo qabyaaladda .?


Inta aanu uguda galin dhibaatada ay leedahay qabxaalad, aan ka hadlo."Maxay kala yihiin qabiil iyo qabyaalad?". 
Qabiilku waa inaad ku abtirsataa awoowyaashaada taasina waa wax caadi ah oo way banaantahay  oo xitaa diinta inoo furtay.
Lakiin qabyaaladu waain qofka qabiilkiisa uu ku taageera wixii dulmi ah ama dhibaato inay gaystaan ookale kana hormariyo danaha dadka kale danaha qabiilkiisa taasi ayaa la yiraahdaa qabyaalada.

Taasina xaaraam ayuu ka dhigay nabigeena NNKH, sababtoo ah diinta islaamka ma qabto in qof walalka oo muslim ah aad ku dhibtid qabyaalad darteed , qabyaaladu waa cudur aan laga soo kaban karin waxa inta ugu badan ay haysataana bulshadeena soomaaliyeed oo waliba si xad dhaaf ah ay u adeegsadan. 

Dalka markii uu sii burburay waxaa sii fogaaday qabyaaladda,  waxaasna waxa sababay waa burburkii dalka oo ay isku laayeen qabiilada soomaliyeed, waxaana qabiil walba uu la dagaalamayay qabiil kale  taas ayaa keentay in dagaalada io colaadda ay sii weynaato wax walba oo lagu xallin karana loo waayay colaadahaas .

Somalia inteeda badan waxa kala geeyay waxay ahayd waa qabyaaladdaas oo illaa hada qabiil walba aan midka kale la tusi karaynin , taasi oo keentay inuu dalka sii kala go'go'o oo beel walbaba maamul samaystaan ayna hoostagaan dawladda federalka ee somalia, mid kastana uu diiday inuu xukumo kan kale taasina waxay sababtay kala fogaanta iyo is nacaybka hada ka jira gayigeena soomaliyeed taas oo soo bilaabatay dagaaladii sokeeye, inkastoo aad hadda is leedahay wadanka wuu soo dagaya.


Taasina waxaa keentay in wadanku faderal noqdo oo xilkii lakala qaybsado, oo qabiil walba qabiilka kale uu xushmaynayo , sida bari samaadkii jirtay waxay ahayd in qabiil walba midkuu ka xoog badan yahay uu maamuli jiray wax walba oo ay rabaana ka samaysan jireen sidii addoontii , taasina waxay ahayd baa ladhihi karaa waxa soomalia way kasoo kabsatay la dhihi karo.

Wadanku markuu burburay waxaa dhacay dagaallo sokeeye oo ay iaku beegsadeen qabiillada soomaliyeed ee daga gayyiga soomaliyeed meel walba.
Qabyaaladdu waxay leedahay dhibaatooyin fara badan, waxa keenay qabyaalada in lagu dhaqmo waxaa kuugu filan dalkan somalia meesha uu joogay xilligii aanu dawlada ahayn oo qabiilku yaraa amase aanba la adeegsan karin, iyo hadoo aan qabiilka uu dahab noqday oo qabiilkastaba la leeyahay mid baa ka laandheeraysan.


Sikastaba, ma ahan in aan il duufno xaqiiqda na hortaala oo ay ugu weyn tahay qabyaaladda, taasi oo keentay dhibaatoiyinka wadanka somalia hoos udhigay amase salka taabsiiyay,
Habada qabyaaladu wa is xaqirid iyo xaasidnimo aan tooshka wali lagu ifin,  hadaba cidii sidaas unoolata amase udhaqanta ama u fikirta uu ifka dulli iyo dulmi ku noolaanayo, aaqina cadaabta jahanamo kagaalaayo.

Waxa ugu weyn ee aysan aaminsanayn bulshadeena soomaliyeed suda ay qaarkood udhaqmayaan marka aad aragtid waxaad ia leedahay ma aaminsana miyaa qofkan inuu dhimanayo qaab dhaqankiisa darteed, waxa ugu weyn ee dulmiga iyo dhibaatada somalia ka jirta hada wada waa madaxda ummada lacagtooda ku dulminaya.

Waxa kale oo ugu weyn ee dhiibatada qabyaaladda ka qayb qaata waa askarta amase ciidanka kuwaas oo dhib ku haya qaar ummada soomaliyeed , ayagoo aad arkaysid dad masaakiin ah oo wax aan waxba ka jirin lagu laynayo taasina waa nagu ayaan darro hadii aan nahay bulshadeena soomaliyeed,  gaar ahaan dadka gudaha wadanka ku nool.

Hadaba waxaad mooda sidii dalka somalia u burburay in aanan ba la socon dunida casriga ah ee hormartay, africaoo lagu tilmaamo dunida 3aad ayaa la is oran karayay waanu ugu saraynay, balse natiijada kaba danbaysta ah waxay noqotay in aan noqono africa dalalka ugu liita dhanka kasta ama ha noqoto dhanka dhaqaale, hormar, aqlaaq ahaan io dhan walba waxa ugu weyn ee bulshooyinka kale nagu xantaan amase nagu sheegaan baa ah in aanan kala danbayn iyo qaanuun aan waxba ka aqoon , waana sax oo waladnka somalia 70% waa dhalinyaro dhalatay  1991 kii wixii kadanbeeyay  waliba aanan arag wax qaanuun amase kala danbayn ah waxayna sababtay in qof walba siduu rabay u noolaado.

Soomaalidu inteeda badan ayadoo wax baratay waliba anagoo ah bulsho diinta islaamka ah haysata waliba baranay qur'aanka ilaahay soo dajiyay,  taasi oo ay ku jirto  aayado ku xusan qur'aanka.

           
 bulshada soomaliyeed burburkii kahor waxay ahaayeen bulsho is jecel, oo isku wadno xadhan oo is soo dhawayata, dhibta ugu weyn wayn waxay timid markii dagaaladu dhaceen dawladdii wadanka ka talin jirtayna ay  dumiyeen jabhado kasoo shidaal qaadanayay dawladda ay dariska la tahay ee ethiopia, gaar ahaan maamulkii xilligaas joogay, iyadoo 1977kii dagaallo waa weyn  la gashay, wax guulo ah oo labada dhan ahba lama gaarin inkastoo ehiopia dawlado  la saaxiib ahaa  oo ay kamid ahaayeen kuba iyo ruushka.


-dhaqamadii laga dhaxlay qab yaaladda waxaa kamid ahaa :-
 
■ bulshadii oo  noqotay ummad dulmi iyo dar xumo ku noolaata waligeed.

■ jaahilnimadii oo noqotay mid lagu faanayo.

■ xaqa& cadaaladda oo noqota in daciifnimo loo arko.

■ bulshadii oo aan is aaminayn oo midba midka kale ka baqayo inuu qiyaamo ama is daba marin ku sameeyo.

■hogaamiyaashii dalka oo wax walba samaynaya waxaas ay samaynayaana qabiilada ay kasoo jeedaan ku garab istaagaya,  mana jirto qof walba wax wax weydiiya.

■marka ay doorashada noqoto qofka musharaxa ahi meedhii la rabay inuu danaha ummada eego wuxuu eegayaa danaha reerkiisa taasna waxaa la dhihi karaa waa dhibaato weyn oo qaranimada somalia heerkas gaarsiisay 

■shacabka oo aan kan sida daacadda ah wax usoo bartay uusan shaqo si caddaalad ah ku helayn, ilaa wax yar oo si cadaalad ah wax kugu siiya mooye.

■ qaranimada oo ku koobnaata hal reer kuwaas oo ah reerka uu madax weynuhu kasoo jeedo .

■madaxda oo aan wada shaqaynayn oo midba midka kale aan latusi karin oo uu mucaarad ku yahay.

■Wax walba ama qandaraas walba oo wadanka la keeno inuu  hal qabiil wada qaybsadaan.

■Caddaalad darro ba'an oo wadanka ka jirta gaar ahaan maxkamadaha iyo dawladda, taasoo lagu duminayo dadka masaakiinta ah  ee wadanka xaqa ku leh, qof walba oo soomlinimo sheeganayana waa inuu xaqa wadanku ku leeyahay wax ka helaa sida wax barashada, caafimaadka, iyo shaqo abuur in loo sameeyo.

■dhaqan xumadii oo badatay dhan walba oo ay kamid kamid tahay diinta, iyo aqlaaqda oo  dadkii kaluntay, ummadana aadan kala saari karin kan wax bartay iyo kan aan waxba baran dhaqankooda, oo ay  labada qofba isku si iskula kaa dhaqmayaan.


Gunaanadka macluumaadka waxa ugu weyn ee ina saameeyay soomali ahaan waa qabiilkas sida xun loo adeegsanayo, la iskama dayn karo oo wax walba inuu muhiim u yahay bay dadka qaarkood dareemayaan, hadii la iska yarayn lahaana waa masha allaah..

       

                        ........  Dhammaad............







Labels:

Tuesday, 31 January 2023

Taariikhdii Hogaamiyihii bilgium ka ee Leopold


Intiina badan waxaa laga yaaba in ayna maqlin ninkan lagu magacaabo Hitler_ka africa,waana boqorkii hore ee lagu magacaabi jiray Leopod daha labaad(2) kaasi oo aan waxba kaga duwanayn Hilter,  starlin, iyo mussalini marka la eego dhanka dhiig daadinta, waxaaana loo tiiriiyaa qayb wayn oo kamid ah taariikhda qayb kamid ah isticmaarka, ama guumaysigii addoonsigii iyo xasuuqyadii ka dhacay africa, asagoona Wadanka Congo ku dilay 10 milyan oo Ruux.


Waxa uu dhashay sanadku markuu ahaa 1835tii, waxa uuna ahaa inta uu san xukunka qaban mid jecel xafladaha iyo goobaha lagu tamashleeyo,  sanadkii 1865tii ayuu xukunka la wareegay asagoona hayay ilaa 1909kii, wuxuu qayb kanoqday Loollanka iyo hardanka waqtigaas loogu jiray boobka dhulalka  qayraadka africa, taasi oo ku riixday in uu ku habsado Wadanka Congo(koongo).

1906dii wuxuu leopold shaaciyay in ay Kongo tahay hanti gaar ah oo uu asagu leeyahay, inta uu xukumayay Cingo gabood fallada uu ka gaystay waa qiso argagax leh oo caqliyadda sarraysa aysan awoodin.

Waxay fikrada xasuuqa ah ku dhalatay markii uu kongo ku arkay qayraad qaali ah isla markaasna aan la heli karin,ugu horreyn waa uu khiyaanay dadka reer Koongo, asagoo uu ku indha sarcaadiyay hawlo sama fal ah oo uu usameeyay, waxuuna sidoo kale iskaga dhigay daaci Chiristan(kiristaan) ah
 Asagoona uballan qaaday in dhammantood uu jannada galin doono.


Reer kongo way daba rucleeyeen ayaga oo aan ogayn ujeedka iyo dhagarta uula damacsan yahay, Leopold markii uu soo dhigay isla markaana uu kala qayb qaybiyay reer kongo ayuu galka kala baxay sayftiisii si bareer ahna ugu usoo jeestay boobidda qayraadkooda, wuxuu samaystay calooshood ushaqaystayaal uu u adeegsaday dakooda, waxayna ciidinkiisa u ruqaansan jireen tuulooyinka ayagoo kasoo qabsan jiray haweenka, si ragooda loogu qasbo inay kasoo shaqeeyaan kaymaha, una soo goobaan qayraadka qaaliga ah uu rabay leopold sida geedka maddada.


Calooshood ushaqaystayaasha  wuxuu ku magacaabay ama ubixiyay awooda guud, si uu ugu dhiiri galiyo shaqada culus oo ay hayeen.


Calooshood udhaqaystayaashan markii ay ka waayaan qidmadda amase lacagtii ay ku shaqayn jireen waxay ahaayeen kuwa ku garaaca jeedaL kuwii ay ilaalada kahayeenamase ilaalinayeen,  sidoo kale labada gacmood ayay ka jari jireen  waxayna gacmo jaridda lagu hayay reer kongo gaartay caalamka, ayadoona wararkii ugu waayayna lagu. Waagaasi lagu soo daabacay.


Dadka lagu shaqaynayay waxaa dilka usii dheeraa harrraad gaajo iyo cudurrada faafa, waxaana duruuftaan laqabay waalidka, carruurta, iyo xaasaskii laga soo kaxaystay.

Ilaha taariikhda waxay cadeeyaan in Leopold uu dilay kala bar dadkii ku noolaa wadanka kongo.

Kahor Guumaystuhu dadka reer kongo waxay gaarayeen 20 malyan, waxaana tiro koob lagu sameeyay 1924tii,  ayagoona noqday 10 malyan oo kaliya,  inta kle oo dhan 10malyan ee tiro koobka ka maqnaatay ayaa la xaqiijiyay inay u geeriyoodeen dilkii iyo gaajadii uu faafiyay leopold.

Waxaa leopold ku kacay saxaafadii caalamka iyo dawladihii kula loolamayay qayraadka  africa, waxaana liicday fikradiisii guumaysiga ahayd.

Wuxuu geeriyooday leopold 1909kii kadib markii uu bilgium ka kaga tagay guryo quux badan, oo lagu dhisay hanti laga soo boobay africa.



Kani waa sawir kamid ah dadkii kongo ku noolaa qayb kamid ah iyagoo gacmahoodii laga jaray .


         


 


Labels:

Thursday, 26 January 2023

Maxaa keenay in bulshada africanka ah la addonsado qarniyadii hore?


 Marka raad raac lagu sameeyo tariikhda waqooyiga iyo koonfurta america, mid kamid ah qaybaha ugu xanunka badan, taariikhdaasi waa xilligii dadyowga africanka ah lagu guumaysan jiray dhulkaasi.


Boqolaal sano kahor dadyow fara badan ayaa si qasab ah looga musaafuriyay dhulalkoodi kuwaas oo ku yaalay afrika, si ay uga shaqeeyaan dhul beereedyo ku yaalay wadamo fara badan ,kuwaasi oo ka tirsanaa waqooyiga iyo koonfurta ameerica.


Markii ugu horaysay reer yurub ay yimaadaan Qaarada ameerica, qaar kamid ah ganacsatadii yurubyaanka waxay xaqiiqsadeen in ay lacag ay ka samayn karaan,beeraha dalagyada  si ay uga ganacsadaan yurub gudaheeda.


Sidaa darteed si ay usameeyaan ganacsi guulayasta waxay ogaadeen in loo baahan yahay shaqaale ka hawl gala beeraha ay beertaan waliba ku shaqeeya mushaar aan aad ubadnayn, inkastoo ay jireen dadyow yar oo yurubyaan ah oo yimid qaarada ameerica asagoo ku shaqaynaya mushaar aad uyar, taas badalkeeda mulkiilayaashi beeraha waxay raadiyeen adoomo ushaqeeya.


Waxaa xusid mudan in ay jireen dadyow aan saas ubadnayn oo indian (hindiyaan ) ahaa, mulkiilayaashi beeraha waxay ogaadeen in lagama marmaan ay tahay helidda dadka mad madow ee african ka ah.


Habka ay ganacsataasi uheli jireen waxay dhaheen ayagoo ka iibsan jiray boqoradii ka talin jiray galbeedka africa.


Tanina waxay horseeday in ay dagaal baahsan uu ka dhex dilaaco boqorradaasi, sababtoo ah qof walba wuxuu isku dayi jiray in uu gacanta ku dhigo dadyowga ku nool boqortooyada la dariska ah, si uu uga iibsado ganacsatadii ka imaan jiray qaaradda ameerica, ee raadin jiray addoomada.


Ka sakow boqoradaasi u hanqal taagi jiray iibsiga dadyowga african ka ah, waxaa jiray boqorroyar oo faro ku tiris ah oo isku dayi jiray in ay ka hortagaan ka ganacsigan dadyowga african ka ah.


Muddadii udhaxaysay sanadii 1500-1800 in ku dhow 12milyan oo dad yow africa ah ayaa laga soo kaxeeyay Galbeedka africa, ayagoo si qasab ah lagu keenay qaaradda america.

Waxaa jiray dad geeriyooday inta aan laga kaxayn africa, maadaama ay la kulmayeen tacaddiyo foolxun sida jirdil iyo kufsi iwm, halka qaarna ay ku dhex geeriyoodeen maraakiibtii loogu talo galayin lagu geeyo qaaradda ameerica.

Sababtuna waxay ahayd xaalado caafimad darro awgeed oo ka jirtay maraakiibtii oo ay saarnaayeen, iyo ciriiri badan maadama ay dadka tiradoodu ay ahayd mid aad ubadan.


Waxaa midaas sii dheer ka qayb qaadan jirtay dhimashada addoomada cunto iyo biyo la'aan awgeed.

Markii dadyowgii african ka ahaa la keenay qaarada america waxaa lagu amray in ay si qasab ah kaga shaqeeyaan beeraha.


Beerahaasi waxaa lagu beeri jiray suufka iyo sonkorta, natiijo ka dhalatay awgeed shaqada oo aad u adkayd shaqaale badan ayaa geeriyooday iyagoo ku guda jira hawlahooda.


Balse mulkiilayaashu waxay ku badali jireen shaqaale kake oo laga keeni jiray qaaradda africa,  ilaha qaar addoomadii africanka ahaa waxay awood u yeesheen  in ay banaan baxyo kaga soo hor jeestaan dadkii ay u shaqayn jireen.

Addoomada qaar ayaa ka cararay shaqooyinkooda ayagoo ubaxsaday buulalka saxarada, si ay u ilaawaan cadaadiska kaga iman jiray dadka ay ushaqayn jireen.

Dhawr sano kadib dad badan oo yurub iyo america ku nool ayaa ogaaday in addoonsiguuu yahay shay qalad ah.

Sannadkuna markuu ahaa 1830kii, qaybo badan oo ka tirsan maraykanka iyo england( ingiriiska) ayaa laga mamnuucayjiritaanka addoonsiga.


Waxaase xusid mudan in koonfurta maraykanka ay joojiyeen hiigsashada addoonsiga sanadku markuu ahaa 1860kii.

Wadamada qaar sida Brazil iyo cuba(kuuba) addonsiga waxaa la xannibay 1880kii.


Maanta malaayiin ruux oo ku nool waqoiyiga iyo koonfurta ameerica ayaa ah kuwo kasoo farcamay addoomadiilaga keenay africa.

Saamaynta is addoonsigu waxay jirtay jiilal aad ufara badan, waxaana mararka qaar dhaca falal jinsi nacayb ku salaysan oo looga soo horjeedo dadyowga africanka ah, ayadoo la ogsoon yahay in waa hore lasoo af jaray.


Sawir muujinaya qaabkii loola dhaqmi jiray addoonti africa.




Maxaa keenay in la addoonsado african kii ku noola barigaas qaaradda africa ah.


1: bulshadii african ka ahayd oo aaminsana in aan la iska dhicin karin dadka cadaanka ah oo ay yihiin dad lama taabtaan ah kana awood badan dadka madowga ah.

2: aqoon xumo haysay dadka africanka ahaa oo intooda badan ma aysan ahayn dad wax bartay , waxayna ahaayeen beeralay beerahooda ka macaashta.


3: reer yurub amase dadka cadaanka ah ee kasoo jeeda galbeeda uma aysan qabin dadkan madowga ah in ay yihiin dad, waxaase keenay fikradaas iska dhicin la'aan la iska dhicin waayay.

4: Boqorradii markaas maamulayay dhulalka africa oo intoodii badnayd dadkoodii lacag kaga doorbiday, iyagoo dadkii african ka ahaa ay ka iibsanayeen dadka cadaanka ah.

5: cadaankii oo shaqadii wax uqabtay uu waayay  kadibna dadkii ka iibsaday africa amase ka kaxaystay.





Labels:

Maxaa Keenay burburkii Somalia?












Somalia waa dawlad ku taala qaradda africa gaar ahaan bariga africa waxayna daris la tahay amase xuduud la leedahay wadamada kala ah, Ethiopia, kenya, iyo jabuuti.

Somalia waxay ahayd hal dawlad inta aysan soo galin guumaystihii kala ahaa Talyaaniga,engriiska,iyo farasiiska.

Kuwaaso somalia ukala qaybiyay 5 qaybood oo kala ah Dhulka kenya hada haysato oo la yirahdo NFD iyo dhulka ethiopia hada ay ku haysato somalia oo ah dawlad deegaanka somalida  iyo somali land oo ayaduna ay kamid tahay tahay waqooyiga somalia. Iyo kuwa kale.

Somalia qaybteeda koonfureed waxa gumaysanayay talyaanigii kaso dagay dekedda baraawe sanadku markuu aha 1884tii, dhanka woqooyina  waxa guumaysanayay ingiriiska oo markas kasoo dagay dakadda saylac isagoo kaso galay xeebaha yeman.

Galbeedka somalia waxa gumaysanayay Faransiiska oo uu haystay wadanka Jabuuti ee ah wadan yar oo ay u arkayeen faransiiskii guumaystayaasha ahaa meel Sterategic(istaraatiijik ) u ahayd  oo ayna maamushaan marinka ugu mashqulka badan ee Baabul mandab kuna yaala qadanka jabuuti.

Bulshada soomaaliyeed waa ay kasoo hojeesteen in masiirkooda ayaga lagu maamulo , sidii la doonana loola dhaqmo , waxay sameeyeen dagaalo nooc walba ahaa oo ay la galeen Guumaystihii talyaaniga iyo kii ingiriiska.


Koonfurta oo ay joogeen guumaystihii talyaaniga waxa lala galay dagaalo ba'an iyadoo shacabku u isticmaalayeen hub amase dhagax taasi oo loogaga taqallusayay guumaystihii talyaaniga


Woqooyiga oo uu haystay guumaystihii ingiriiska waxaa  aad ula dagaalamay Ciidamadii daraawiish oo uu hogaanka u ahaa Sayid Mohamed abdulle hassan, kaasi oo ah halyeeyada ugu waa weyn ee soomaray somalia waxa uuna kasoo jeeday waqooyiga somalia. Waxa uu uqaadan waaayay ummadda sida fudud ee diinta islaamka looga saarayo markaas ayuu bilaabay jihaad ka dhan ah guumaystahaa ingiriiska .

Somalia waxaa ka danbeeyay inay xorriyad hesho 1960 kii nimankii dhallin yarada ahaa ee Somali youth league, tiradooduna ahayd 13nin.

Waxa somalia ka dhacay dhagaal layiraahdo dhagax tuur oo ah dagaaladii ugu wa weynaa ee ay shacabku ku qaaden guumaysigii ka jiray koonfurta oo ahaa talyaaniga.


Dhagax tuur macno ahaan waa labo erey oo la isku ku keenay  "Dhagax tuur" waana dagaal ka dhacay caasimadda somalia ee muqdisho bishii october ee 1949kii.

Somalia waxay Xoriyadda qaadatay 1960kii, waxana madax weynihii ugu horreyay loo doortay "Aaden abdulle osman Daar" .

Aden abdulle osman waxa uu ku dhashay gobolka hiiran magaalo madaxda beled weyne sanadku marku ahaa 9-December-1908 waxaana loo doortay madax weyne 1-july-1960kii. Ilaa 6-july-1967dii waxaana Raiisu wasaare u ahaa abdullahi Eisse.

 


    Raiisul wasaarihi ugu horreyay ee somalia"Abdullhi eisse.
 










Madax weynihii ugu horreyay ee soomalia "Aden adulle osman.








Somalia 1969kii waxa xukunka inqilaab ku qabsaday General Mohamed siyaad barre oo ahaa Generaladii markaas ka hawl galayay militaryga wadanka somalia, mohamed yiaad barre waxa uu wadanka maamulayay muddo ku dhan 21sano laga soo bilaabo 1969kii ilaa 1991kii.

Waxaa kaliya oo aan la iska indha tiri karin ayaa waxa uu yahay in madax weyne mohamed siyaad barre uu somalia hormarru dunidu la yaabtay gaarsiiyay , gaar ahaan dhanka dhaqaale iyo dhankq dhismaha wadanka ,markaasna waxaa kaliya qadanka laga maamuli jiray waxay ahayd Casimadda muqdisho somalia.

Somalia oo uu hogaaminayay muddadii 21sano ahayd waxay gaartay hormaro dhanka militiry-ga iyo dhanka wax barashada, inkastoo xukunku uu ahaa hanti wadaag oo larabay in laga guuro Diinta islaamka oo wax walba oo cummunism ka xeerar ama qodobo u ah la rabay in la qaato.

Intii ay dhisnayd 21kii sano waxa horumar la taaban karo laga gaaray Dhanka wax barashada, taasi oo ahayd meesha ugu muhiimsan ee dadka laga dhiso lana baro Wadaniyadda iyo wax walba oo wadan jacaylka ku saabsan.

Somalia waxay bur burbtay 21 sano kadib xukunkii mohamed siyaad barre  oo ay ku beeganayd 1991kii.

Sababaha somalia u bur burtay waxaa kamid ahaa oo ugu waweynaa  jeneraladii cidamada oo si xun loola dhaqmay oo xukunka kaligii taliska ahaa wax walba oo macquul ah ku sameeyay  sida qaar in lalaayo ama la dilo sida in inqilaab looga shakiyay, iyadoo larabay in aysan hawaysan kursiga markaas uu fadhiyay kaligi talisku.


Waxa inta ugu badan dhibta loo gaystay isla markaasna go'aan ku gaaray in wadanka laga saaro kaligii talisnimada taasi oo ahayd in ummada sida ay rabto u hadli karaynin  madaxana looga taagan yahay wixii la doonana laga samaysanayay.

Waxa ugu danbayntii  ay aasaaseen saraakiishii  uu hogaaminayay madax weyne siyaad barre in ay go'aan ku gaareen sidii xilka looga tuuri lahaa, fikrada kaliya ee loo arkay waxay ahayd  in jabhado hubaysan la aas aaso lagana aas aaso dalka ethiopia , dalkaas oo ahaa dal 1977kii wadanka somalia ay dagaal la galeen kaasi oo ahaa dagaal looga xorraynayay dawlad deegaanka somalida.

Somalia markii laga saaray xukunkii kaligii taliska ahaa waxa uu wadanku galay qalalaaso dhan walba ah oo ay ugu weynayd inay gasho dagaalo sokeeye oo qabiilba qabiilka kale beegsanayay, taasi oo dhashay inuu wadanku xasili waayo, iyo tuugnimadii oo ka noqotay wadanka wax caan ku ah sida in isbaaro ladhigto wax walba oo soo marana lacag laga qaado iyadoo la leeyahay wadadan lacag baad ku mari kartaa.


Ugu danbayn hada waxa laga jooga  32 sano burburkii wadanka somalia wadankuna waxa uu qaatay xukun democratic ah kaasoo leh Maamul goboleedyo iyo madax wynayaal hoos yimaada kan wadanka ka talinaya.

Maamul goboleedyada wadanka ka talinayay waxaa kamid ahaa  Puntland,jubbaland,hirshabeele,koonfur galbeed iyo somali land oo hadda sheegata gooni ugoosad inay tahay 



Quruxda dalka somalia gaar ahaan magaalada madaxda muqdisho.


Madax weyne mohamed siyaad barre.


Somalia jabhadihii la dagalaamayay madax weyne mohamed siyaad barre waxaa kamid ahaa SSDF. SNM IYO SFC oo ay kala hogaaminayen Abdullahi yusuf yeey ,mohamed  jama' caydiid iyo siilaanyo.

mohamedkhaliifabdullahi07@gmail.com










Labels:

Wednesday, 25 January 2023

Tahriibka dhalinyarada soomalida ah

 
Tan iyo markii ay burburtay dawladii dhexe ee ka talinaysay wadanka somalia waxaa soo kordhayay in ay dad aad u fara badan ay iskaga cararaan wadanka ugana cararaan sababo amni darro oo soo wajahday uguna noolan kari waayen dalkooda.

Soomaalida ayaa markaas waxay maraan wadamada dariska la ah iyagoo markaas kusoo jeeda wadanka liibaya waxayna soo maraan dalalka kala ah Eretaria,jabuuti, iyo itoobiya suudaan, iyo wadamo kale oo badan.

Tahriibku waa dhibaato soo jireen ah oo heerar kala duwan soo maray, qaabab kala duwanna lahaan jiray.

Tahriibka ama tahriibinta dadku waxay ka mid yihiin falal danbiyeedyada aan qawaaniinta caalamku la dagaallanto lana mid ah falal danbiyeedyada tahriibinta maandooriyasha iyo hubka.


              Sababaha keena tahriibka:-

● sababaha ugu badan ee keena  tahriibka waa dhaqaale iyo nolol raadin.


● waxa kale oo keena waa raadinta meel ka fiican meesha aad ka tahriibayso una raadinayso nabada iwm.


● shaqo la'aanta ka jirta wadanka iyo dhalin yartii oo ah kuwa garan waayay ujeedka wadanka ay ujoogan.


●Sharci raadin:- dadka qaarkood waxay u tahriiban inay wadama rer galbeedka passaport(aqoonsi ) ka qaataan.


●dhaqaale kororsi:- waxaa laga yaaba in la arko qoysas dhaqaale ahaan fiican, dhibaato kale oo muuqatana aanay jirin hadana ubadkoodii udiraya yurub iyagoo  waddooyin qatar ah ugu bareeraya inay galaan yurub ama america.


●caafimaad raadin:-waxaa iyana dhacda in qof la tahriibiyo amaba uu utahriibo si uu awood ugu yeesho inu helo daryeel caafimaadoo tayo leh.


           Sidee lagu joojin karaa tahriibka.

Dawladda oo amniga sugta:- wadanka baahida ugu weyn waxa laga sugayo inay qabtaan waa dawladda , dawaladda waxa looga baahan yahay dadka ay masuulka ka yihiin amase taladooda haya  inay ku dadaalaan sidii ay amni ugu noolan lahayeen.


dawladda in ay shaqo abuur usamayso dhalin yarada :- dhalinyarada inta ugu badan waxay wadanka uga tagaan shaqo la'aan darteed 48.5% ayay gaarta shaqo la'aanta ka jirta wadanka.


culimadaoo wacyi galin usamaysa dhalin yarta:- culimadu waxay doorka ugu weyn ka qaadan karaan joogitaanka dhalin yarta, loona sheego in uusan jirin wadankooda wadan dhaama


 Dhalin yarada oo lagu dhiiri galiyo wadaniyadda :- wadaniyadu waxay sababta qofka inuu jeclaado wadankiisa uusan ka door bidinna wadan kale, qofka dhalinyarada ah waxa looga baahan yahay in wadaniyadda la baro waxay keenaysaa inuu wadankiisa aamino.


Mohamedkhaliifabdullahi@gmail.com 


                             


       


 

Labels: