Taariikhdii kaligii talihii Germany.


Adolf hitler waxa uu ku dhashay 20/april/1889kii  dalka Austria,  xilligaasi dalalka Austria iyo jarmalku waxay isku ahaayeen hal dal balse hadda waa laba dalal .

Hilter aabihiis wuxuu ahaa aabe dabeecad qalafsan, si ad adag ula dhaqma inankiisa halka hooyadii oo la oran jiray Carla ay ahayd tan kaliyaoo uu naxariis ka heki jiray taasoo keentay inuu uqaado jacayl xad dhaaf ah. hitler yaraantiisii waxa uu ahaa mid aan ku fiicnayn waxbarasha schoolka taasoo ka dhigtay markii uu 16sano jirsadaymid isaga baxa waxbarashadauna jihaysta magaalada vienna, wuxuu ku xumaa wax barashada laakin waxa uu lahaa hibo uu isku dayay inuu ku dadaalo sidii uu meel uga gaari lahaa.

Hibadan ayaa ahayd in hitler uu jeclaa wax sawiridda iyo farshaxanka, wuxuu isku dayay inuu ku biirokuliyad lagu baran jiray farshaxanka  oo ku taalay magaalada vienna, laakiin waxuu lakulmay diidmo qayaxan oo waxaa laga soo xirtay al baabka taasoo ka dhigtay inankan yar ee ay rajada iyo yididdiladu ku jirtay mid waayo fursad uu in badan ku taamaya, hadii aynu dhinaca kale eegno noloshiisa maadiga ah hitler waxa uu ahaa sabool iyo darbi jiif aan waxba haysan  wuxuuna ku wareegi jiray goobaha ay seexdaan dadka nolosha ka dhacay iyo sidoo kle dadka saboolka ah ee aan haysan  meel ay dagaan, xilligani yahuudu waxay ahaayeen kuwa ka talinayay magaalada vienna gacantana ay ugu jirtay  dhammaan bankiyada sarrifka lacagaha iyo iibsashada farshaxanada iyo sawirada , waxay samayn jireen inay sawirada qiima yar uga iibsadaan kadibna ay dib uga sii iibiyaan qiimo toban jibaar kabadan qiimihii ay ku iibadeen  waa arrintan tan lagula dhaqmi jiray hitler oo waxay ka iibsa jireen sawiradiisa qiima aan u qalmin waxayna ku beertay inankan yar cadaawad uu uqaaday kahor inta ay cadaawadaasi cirka isku shareerin muddo yar uu kadib.

Hitler wuxuu noqday intii uu joogay vienna  mid ka gaaray nolosha meeshii ugu hoosaysay, saboolnimo iyo faqri, waxuuna seexan jiray wadooyinka taaso ka dhigtay mid go aansado inuu ku noqdo dalkii uu kasoo jeday ee jarmalka, markii uu soo noqday wuxuu usoo noqday hooyadii oo uu ku dhacay xanuunka loo yaqaano cancer-ka, bilo yar un kadibna way dhimatay hooyadii.

Dhacdadan ayaa ku beertay hitler inaysan ka faaruqin wajigiisa xataa markaa u fiirsatid sawiardiisa waxaad ka dheehan kartaa wajigiisa inay ka muuqato murugo uu ku sifeeyay sawir qaadihiisii gaarka ahaa  ee la oran jiary hennry jofman inuusan arkin waligii qof indhihiisa ay saaran atahy murugo intan la eg,  waxaana lagu tilmama geerida hooyadii goorta ay cirka isku shareertay cadaawaddii uu uqabay yuhuuda oo waxay taariikh yahadu sheegan  in dhaqtarkii daawaynayay hooyadii oo asalkiisu uhaa yuhuudi inu si khalad ah ugu duray irbad aana ahayn  tii ay isticmaali jirtay  taasoo keentay geerideeda.

HItler waxa uu kamid noqday askartii wadanjka jarmalka mid kamid ah waxauuna furiamaha lagu dagaalamo gayn jiray fariimaha ay saraakiishu soo siiso askartooda ku sugan jiida hore ilaa markii danbe uu ku dhawacmay hitler furimihii uu warqadaha gayn jiray mid kamid ah balse markii uu dagaalkii dhamaaday waxaa la gudoonsiiyay jaaiso ama abaal marin  loogu gudoonsiinayo shaqadooa uu uqabtay ciidamada wadanka.

Hitler waxa uu kamid noqday xubin muhiim ka ah ciidamada wadanka jarmalka, waxuuna wadanka la wareegay sanadku markuu haa 1933dii dad weynaha jarmarku wuxuu dareemay is badal weyn oo dhanka hormarinta ahayd iyo dhanka siyaasadeedba guulo waa weyn ayuu ka gaaray hitler  labada dhanba, hitler wuxuu ciidanka geeyay goob ciidanka ka caaganayd oo aan loogu talo galin, waxuua weeraro ama dagaal ku qaaday dalalkii kala ahaa checkoslovakia, polland, iyo kuwa kale oo badan.

Reer galbeedku waxay u arkayeen siyaasada hitler mid ku dhisan gar daraysi iyo daadaansi iyo inay waxkasta ku danbayn doonaan cidii xoog leh, waxuuna cadaawad dhab ah oo duruqsan u hayay dalalka Egland iyo france kuwaas oo uu sababta u ahaa inuu ku jabo dagaalkii koobaad ee addunka.

Hitler wuxuu kabaxay ururkii qaramada midoobay, waxa uuna bilaabay inuu wax kastaa ku dayo awood ciidan taasoo marka danbena sabab u noqotay bilowga dagaal weyne labaad gudaha yurub oo dhammi ay ku wada hoobtaan dalalka inigiiska iyo faransiiska oo xilligaasi ahaa labada quwadood ee hogaaminaysay caalamka waxaa cabsi badan ku haysay siyaasadda gar darrada ku dhisan  ee uu hitler wado, waxayna dhankooda bilaabeen siyaasado maslaxad ku dhisan  oo wax kasta oo uu hitler dalbado waa ay siin jireen  ama aqbali jireen,  si ay ugahortagaan dagaal weyne labaad oo ka dhaca gudaha yurub, balse hitler shaqsiyan ma ahayn nin raba  waxay wadaan dalalkaasi oo waxaa u  caddaa oo kaliiya dagaal uu ku aargudan karo maadaama u ahaa nin ciil qaba

Hitler wuxuu dhistay ciidan aad ubalaaran oo ay ka cabsadaan dhamaan dawlada ha yurub, wuxuu ku dhiiraday inuu dhisto ciidamada badda intaasi oo kaliya ma ahan balse waxaa u dheerayd inuu dhisto ciidamada cirka oo horay cunno qabatayn looga saaray inuu dhisto ciidamada cirka kadib dagaalkii koowaad ee addunka intaasi oo dhan marka uu hitler samaynayo indhaha ayay kawada daawanayeen dawladaha uu u middi yeelsanayo  laakiinse cid la hadashaa  oo ka fal celinaysa daan daansiga uu wado waa uu la aa waxa uu noqday sida laandhere banaan dagay oo cid u boboc dhigi kartaa aysan jirin.

hitler wuxuu si gar darro ah iyo ku talo gal ah u weeraray wadamadii uu dariska la ahaa waxaa markii danbe go aan ay ku gaareen inay iska qabtaan waxa markii danbe burburiyada wadamada lakala yiraahdo England, france,russia  iyagoona u adkaysan wayay weeradii uu ku qaaday , waxa uuna xilka hayay 1933-1945 kii balse hada lama ogsoona qaabka uu udhintay iyo meesha uu ku dhintay waxa uu reer galbeed ku noqday laf dhuun gshay, 1945tii waxaa jarmalka loo kala qaybiyay jarmalka galbeed iyo jarmalka bari jarmarmalka galbeed waxaa haystay labada wadan oo kala ah Egland, iyo france kan bari na waxaa haystay Ussr amase sida loo yaqaano hada Russia. waxaana labada jarmal udhaxeeyay darbi.

ugu danbayn waxay shacabka jarmalku udulwadan waayeen dhibaatada wadankooda loo gaystay iyo labada awoodood ee ku loo lamayay wax dantooda ahna ka dhex arki waayay waana ka dhiidhhieen oo m aysan rabin dhul ay ayagu lee yihiin dagan yihiina in lagu dhex maamulo, hada oo la joogo 2023da wadanka jarmalka , waxaa cunto qabatayn ka saaran dhisidda ciidamo cirka ah iyo kuwo badda ah iaydoo laga cararayo inay soo laabtan wixii hitler uu sameeyay oo hada laga joogo qarni kudhawaad, amase laga digtoonaanayo inuu shacabku kasoo baxo mid sidii hitler ama afkaarihii hitler uu watay.

                                 Dhamaad...



Post a Comment

Previous Post Next Post