SIDEE HORUMAR LOO SAMEEYAA...

               DAR-DAARAN...  

Dhalin yarada soomaliyeed siiba kuwooda udhaxeeya 16-25 waliba wadanka ku nool, waxaa haysta caqabado kala duwan oo kala ah kuwo dhaqaale iyo kuwa taag darri iyo kuwo badanoo aan lasoo koobi karin, waxaaan adhalin yaradaas u sabab ah dawlad la aanta  iyo amni la aanta iyo  xasilooni la aanta wadanka ka jirta.

waxuu qofka dhalin yaarta ah ubaahan yahay in uu wax barto, kana baxo jaahinimada uu naftiisa kor uqaado ninka dhalin yarta ah hadii uu dhakin yaro yahay kuma jiro marxaladii uu ciyaar iyo wax aan maala yacni ahayn usoo jeedowaxaa laga sugayaa inuu naftiisa iyo tan dadka iyo dalka io diintaba meel iska soo saaro, waxaaana looga baahan yahay waalidkii dhalay inuu heer ay ku farxaan gaarsiiyo kuna dhiirado waxa asaagiis ku haminayo uu isugana ax kasii fiican ku hammiyo.

Ninka dhalinyarada ah waxaa in badan laga sugayaa difaacida wadanka diinta iyo dalka inuu wax kusoo kordhiyo haday fikrad noqoto iyo hadii ay wax kala noqotaba, waxaana laga sugayaa in uu naf iyo maal wadankiisa u huro waxna uu u ubarto.

Wadamada shisheeye ee horumaray waxay hormarka aan aragnay ku gaareen waa wax barasho, waxbarashaduna wa waxa qofka bani adamka ah aad iyo aad muhiim ugu ah waana waxyaalaha ugu badan ee la isku dhaafay haday dhaqaale noqoto iyo hadii ay horumar bulsheed noqotaba, dhalin yartuna iyadaa meel walba wax ka badasha.

wadamada  horumaray waxaa inta badan sidaas u hormariyay waa dhalin yaro daryeel dawladnimo iyo mid wax barashhed helay waxaana la inooga bahan yahay in aanu horumarka aanu doonayno aanu wadankeena midka koowaad ka dhigno gaar ahaan arrimaha bulshada, waxaanu arrimaha bulsjada usoo qaadanay waxaa weeye dawlinmadu asalkeedu waa bulsho, bulshada ayaana wax abuurta oo ay dawladnimada io kala danbayntu ka timaadaa siiba gaar ahaan dhalin yarada.

Dhalin yaradu waa awooda ay ku taagan tahay bulsho iskugu timid deegaan ama magaalo ama tuulo meel walbo oo la iskugu yimaado, waxaana  iin badan loo bahan yahay dhalin yarta mqaalkan aqrisan doonta in  ay kudadaalan wadankan iyo dadkan dagaaladu saameeyeen oo ay dhex doodu nacaybka ku dhex beeran inay wax ka qabtaan oo ay heshisiin iyo qabyaaladan muddada 30-ka sano ku dhow la isku laynayo.

wadankuna wuxuu ubahan yahay in la iska qabto dadkan nacaybka iyo dagaalka ka dhex abuuraya, waxyaalaha ugu waa weyn waxa kamid ah oo danbiyada wadanku dhacana ugu waa weyn waa qof aan waxba galabsan in loo dilo Aano qabiil, waliba dadkaas loo laynayo aanadaas ay san waxba ka ogayn waxyaakaha noocas oo kale, ummada noocaas ah baa la inooga bahan yahay inanu is badal ku samayno oo aanu dhexdooda maslaxad iyo jacay ddhex dhigno.

In isla xisaabtan dhab ah lagalo oo aan hagrasho lahayn waa waxa ugu muhiimsan oo uu wadanku uabahan yahay, siyaasiguna lagula xisaabtamo wixii uu qabtay iyo wixii uu haleeyay, wadanka waxa hoos ula dagay intiisa badan waa siyaasiyiinta oo aan lagula xisaabtamin wixii ay haleeyaan ,qofka ssiyaasiga waxaa loo bahan yahay in uu wadanka hormarkiisa ka shaqeeyo shacabkuna la shaqeeyaan madaxda dalka .


             WWW.SERAAR.COM..

Post a Comment

Previous Post Next Post