Sidee ayay soomaalidu u isticmaalan qabiilka iyo qabyaaladda .?


Inta aanu uguda galin dhibaatada ay leedahay qabxaalad, aan ka hadlo."Maxay kala yihiin qabiil iyo qabyaalad?". 
Qabiilku waa inaad ku abtirsataa awoowyaashaada taasina waa wax caadi ah oo way banaantahay  oo xitaa diinta inoo furtay.
Lakiin qabyaaladu waain qofka qabiilkiisa uu ku taageera wixii dulmi ah ama dhibaato inay gaystaan ookale kana hormariyo danaha dadka kale danaha qabiilkiisa taasi ayaa la yiraahdaa qabyaalada.

Taasina xaaraam ayuu ka dhigay nabigeena NNKH, sababtoo ah diinta islaamka ma qabto in qof walalka oo muslim ah aad ku dhibtid qabyaalad darteed , qabyaaladu waa cudur aan laga soo kaban karin waxa inta ugu badan ay haysataana bulshadeena soomaaliyeed oo waliba si xad dhaaf ah ay u adeegsadan. 

Dalka markii uu sii burburay waxaa sii fogaaday qabyaaladda,  waxaasna waxa sababay waa burburkii dalka oo ay isku laayeen qabiilada soomaliyeed, waxaana qabiil walba uu la dagaalamayay qabiil kale  taas ayaa keentay in dagaalada io colaadda ay sii weynaato wax walba oo lagu xallin karana loo waayay colaadahaas .

Somalia inteeda badan waxa kala geeyay waxay ahayd waa qabyaaladdaas oo illaa hada qabiil walba aan midka kale la tusi karaynin , taasi oo keentay inuu dalka sii kala go'go'o oo beel walbaba maamul samaystaan ayna hoostagaan dawladda federalka ee somalia, mid kastana uu diiday inuu xukumo kan kale taasina waxay sababtay kala fogaanta iyo is nacaybka hada ka jira gayigeena soomaliyeed taas oo soo bilaabatay dagaaladii sokeeye, inkastoo aad hadda is leedahay wadanka wuu soo dagaya.


Taasina waxaa keentay in wadanku faderal noqdo oo xilkii lakala qaybsado, oo qabiil walba qabiilka kale uu xushmaynayo , sida bari samaadkii jirtay waxay ahayd in qabiil walba midkuu ka xoog badan yahay uu maamuli jiray wax walba oo ay rabaana ka samaysan jireen sidii addoontii , taasina waxay ahayd baa ladhihi karaa waxa soomalia way kasoo kabsatay la dhihi karo.

Wadanku markuu burburay waxaa dhacay dagaallo sokeeye oo ay iaku beegsadeen qabiillada soomaliyeed ee daga gayyiga soomaliyeed meel walba.
Qabyaaladdu waxay leedahay dhibaatooyin fara badan, waxa keenay qabyaalada in lagu dhaqmo waxaa kuugu filan dalkan somalia meesha uu joogay xilligii aanu dawlada ahayn oo qabiilku yaraa amase aanba la adeegsan karin, iyo hadoo aan qabiilka uu dahab noqday oo qabiilkastaba la leeyahay mid baa ka laandheeraysan.


Sikastaba, ma ahan in aan il duufno xaqiiqda na hortaala oo ay ugu weyn tahay qabyaaladda, taasi oo keentay dhibaatoiyinka wadanka somalia hoos udhigay amase salka taabsiiyay,
Habada qabyaaladu wa is xaqirid iyo xaasidnimo aan tooshka wali lagu ifin,  hadaba cidii sidaas unoolata amase udhaqanta ama u fikirta uu ifka dulli iyo dulmi ku noolaanayo, aaqina cadaabta jahanamo kagaalaayo.

Waxa ugu weyn ee aysan aaminsanayn bulshadeena soomaliyeed suda ay qaarkood udhaqmayaan marka aad aragtid waxaad ia leedahay ma aaminsana miyaa qofkan inuu dhimanayo qaab dhaqankiisa darteed, waxa ugu weyn ee dulmiga iyo dhibaatada somalia ka jirta hada wada waa madaxda ummada lacagtooda ku dulminaya.

Waxa kale oo ugu weyn ee dhiibatada qabyaaladda ka qayb qaata waa askarta amase ciidanka kuwaas oo dhib ku haya qaar ummada soomaliyeed , ayagoo aad arkaysid dad masaakiin ah oo wax aan waxba ka jirin lagu laynayo taasina waa nagu ayaan darro hadii aan nahay bulshadeena soomaliyeed,  gaar ahaan dadka gudaha wadanka ku nool.

Hadaba waxaad mooda sidii dalka somalia u burburay in aanan ba la socon dunida casriga ah ee hormartay, africaoo lagu tilmaamo dunida 3aad ayaa la is oran karayay waanu ugu saraynay, balse natiijada kaba danbaysta ah waxay noqotay in aan noqono africa dalalka ugu liita dhanka kasta ama ha noqoto dhanka dhaqaale, hormar, aqlaaq ahaan io dhan walba waxa ugu weyn ee bulshooyinka kale nagu xantaan amase nagu sheegaan baa ah in aanan kala danbayn iyo qaanuun aan waxba ka aqoon , waana sax oo waladnka somalia 70% waa dhalinyaro dhalatay  1991 kii wixii kadanbeeyay  waliba aanan arag wax qaanuun amase kala danbayn ah waxayna sababtay in qof walba siduu rabay u noolaado.

Soomaalidu inteeda badan ayadoo wax baratay waliba anagoo ah bulsho diinta islaamka ah haysata waliba baranay qur'aanka ilaahay soo dajiyay,  taasi oo ay ku jirto  aayado ku xusan qur'aanka.

           
 bulshada soomaliyeed burburkii kahor waxay ahaayeen bulsho is jecel, oo isku wadno xadhan oo is soo dhawayata, dhibta ugu weyn wayn waxay timid markii dagaaladu dhaceen dawladdii wadanka ka talin jirtayna ay  dumiyeen jabhado kasoo shidaal qaadanayay dawladda ay dariska la tahay ee ethiopia, gaar ahaan maamulkii xilligaas joogay, iyadoo 1977kii dagaallo waa weyn  la gashay, wax guulo ah oo labada dhan ahba lama gaarin inkastoo ehiopia dawlado  la saaxiib ahaa  oo ay kamid ahaayeen kuba iyo ruushka.


-dhaqamadii laga dhaxlay qab yaaladda waxaa kamid ahaa :-
 
■ bulshadii oo  noqotay ummad dulmi iyo dar xumo ku noolaata waligeed.

■ jaahilnimadii oo noqotay mid lagu faanayo.

■ xaqa& cadaaladda oo noqota in daciifnimo loo arko.

■ bulshadii oo aan is aaminayn oo midba midka kale ka baqayo inuu qiyaamo ama is daba marin ku sameeyo.

■hogaamiyaashii dalka oo wax walba samaynaya waxaas ay samaynayaana qabiilada ay kasoo jeedaan ku garab istaagaya,  mana jirto qof walba wax wax weydiiya.

■marka ay doorashada noqoto qofka musharaxa ahi meedhii la rabay inuu danaha ummada eego wuxuu eegayaa danaha reerkiisa taasna waxaa la dhihi karaa waa dhibaato weyn oo qaranimada somalia heerkas gaarsiisay 

■shacabka oo aan kan sida daacadda ah wax usoo bartay uusan shaqo si caddaalad ah ku helayn, ilaa wax yar oo si cadaalad ah wax kugu siiya mooye.

■ qaranimada oo ku koobnaata hal reer kuwaas oo ah reerka uu madax weynuhu kasoo jeedo .

■madaxda oo aan wada shaqaynayn oo midba midka kale aan latusi karin oo uu mucaarad ku yahay.

■Wax walba ama qandaraas walba oo wadanka la keeno inuu  hal qabiil wada qaybsadaan.

■Caddaalad darro ba'an oo wadanka ka jirta gaar ahaan maxkamadaha iyo dawladda, taasoo lagu duminayo dadka masaakiinta ah  ee wadanka xaqa ku leh, qof walba oo soomlinimo sheeganayana waa inuu xaqa wadanku ku leeyahay wax ka helaa sida wax barashada, caafimaadka, iyo shaqo abuur in loo sameeyo.

■dhaqan xumadii oo badatay dhan walba oo ay kamid kamid tahay diinta, iyo aqlaaqda oo  dadkii kaluntay, ummadana aadan kala saari karin kan wax bartay iyo kan aan waxba baran dhaqankooda, oo ay  labada qofba isku si iskula kaa dhaqmayaan.


Gunaanadka macluumaadka waxa ugu weyn ee ina saameeyay soomali ahaan waa qabiilkas sida xun loo adeegsanayo, la iskama dayn karo oo wax walba inuu muhiim u yahay bay dadka qaarkood dareemayaan, hadii la iska yarayn lahaana waa masha allaah..

       

                        ........  Dhammaad............







Post a Comment

Previous Post Next Post