Taariikhdii Hogaamiyihii bilgium ka ee Leopold


Intiina badan waxaa laga yaaba in ayna maqlin ninkan lagu magacaabo Hitler_ka africa,waana boqorkii hore ee lagu magacaabi jiray Leopod daha labaad(2) kaasi oo aan waxba kaga duwanayn Hilter,  starlin, iyo mussalini marka la eego dhanka dhiig daadinta, waxaaana loo tiiriiyaa qayb wayn oo kamid ah taariikhda qayb kamid ah isticmaarka, ama guumaysigii addoonsigii iyo xasuuqyadii ka dhacay africa, asagoona Wadanka Congo ku dilay 10 milyan oo Ruux.


Waxa uu dhashay sanadku markuu ahaa 1835tii, waxa uuna ahaa inta uu san xukunka qaban mid jecel xafladaha iyo goobaha lagu tamashleeyo,  sanadkii 1865tii ayuu xukunka la wareegay asagoona hayay ilaa 1909kii, wuxuu qayb kanoqday Loollanka iyo hardanka waqtigaas loogu jiray boobka dhulalka  qayraadka africa, taasi oo ku riixday in uu ku habsado Wadanka Congo(koongo).

1906dii wuxuu leopold shaaciyay in ay Kongo tahay hanti gaar ah oo uu asagu leeyahay, inta uu xukumayay Cingo gabood fallada uu ka gaystay waa qiso argagax leh oo caqliyadda sarraysa aysan awoodin.

Waxay fikrada xasuuqa ah ku dhalatay markii uu kongo ku arkay qayraad qaali ah isla markaasna aan la heli karin,ugu horreyn waa uu khiyaanay dadka reer Koongo, asagoo uu ku indha sarcaadiyay hawlo sama fal ah oo uu usameeyay, waxuuna sidoo kale iskaga dhigay daaci Chiristan(kiristaan) ah
 Asagoona uballan qaaday in dhammantood uu jannada galin doono.


Reer kongo way daba rucleeyeen ayaga oo aan ogayn ujeedka iyo dhagarta uula damacsan yahay, Leopold markii uu soo dhigay isla markaana uu kala qayb qaybiyay reer kongo ayuu galka kala baxay sayftiisii si bareer ahna ugu usoo jeestay boobidda qayraadkooda, wuxuu samaystay calooshood ushaqaystayaal uu u adeegsaday dakooda, waxayna ciidinkiisa u ruqaansan jireen tuulooyinka ayagoo kasoo qabsan jiray haweenka, si ragooda loogu qasbo inay kasoo shaqeeyaan kaymaha, una soo goobaan qayraadka qaaliga ah uu rabay leopold sida geedka maddada.


Calooshood ushaqaystayaasha  wuxuu ku magacaabay ama ubixiyay awooda guud, si uu ugu dhiiri galiyo shaqada culus oo ay hayeen.


Calooshood udhaqaystayaashan markii ay ka waayaan qidmadda amase lacagtii ay ku shaqayn jireen waxay ahaayeen kuwa ku garaaca jeedaL kuwii ay ilaalada kahayeenamase ilaalinayeen,  sidoo kale labada gacmood ayay ka jari jireen  waxayna gacmo jaridda lagu hayay reer kongo gaartay caalamka, ayadoona wararkii ugu waayayna lagu. Waagaasi lagu soo daabacay.


Dadka lagu shaqaynayay waxaa dilka usii dheeraa harrraad gaajo iyo cudurrada faafa, waxaana duruuftaan laqabay waalidka, carruurta, iyo xaasaskii laga soo kaxaystay.

Ilaha taariikhda waxay cadeeyaan in Leopold uu dilay kala bar dadkii ku noolaa wadanka kongo.

Kahor Guumaystuhu dadka reer kongo waxay gaarayeen 20 malyan, waxaana tiro koob lagu sameeyay 1924tii,  ayagoona noqday 10 malyan oo kaliya,  inta kle oo dhan 10malyan ee tiro koobka ka maqnaatay ayaa la xaqiijiyay inay u geeriyoodeen dilkii iyo gaajadii uu faafiyay leopold.

Waxaa leopold ku kacay saxaafadii caalamka iyo dawladihii kula loolamayay qayraadka  africa, waxaana liicday fikradiisii guumaysiga ahayd.

Wuxuu geeriyooday leopold 1909kii kadib markii uu bilgium ka kaga tagay guryo quux badan, oo lagu dhisay hanti laga soo boobay africa.



Kani waa sawir kamid ah dadkii kongo ku noolaa qayb kamid ah iyagoo gacmahoodii laga jaray .


         


 


Post a Comment

Previous Post Next Post